Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Malaaq cusub oo loo caleemo saaray Beesha Xamar & Xamar-daye (Sawiro)

    Malaaq cusub oo loo caleemo saaray Beesha Xamar & Xamar-daye (Sawiro)

    May 28, 20152 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xaflad  caleemo saar ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu duubay  Malaaqa cusub ee beeshaa Xamar iyo Xamar-daye ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Ceel Cadde ee duleedka Muqdisho. Malaaq Cali Maxamed Wehliye ayaa xalfada lagu caano shubay, waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jiray wasiirro wasiir ku xigeenno, madaxda gobolka Banaadir iyo mudanayaal ka tirsan baarlamanka.

    malaaq Cali

    Sidoo kale Xafladda waxaa goob joog ka ahaa R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen “Nuur-cadde”, siyaasiyiin uu ka mid ahaa C/kariin Xuseen Guuleed, Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe, Cali Guudlaawe, guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Maxamed Nuur Siidi, Imaan Maxamed Yuusuf, duubab iyo marti sharaf kale oo fara badan.

    Imaan Maxamed Yuusuf oo ka hadlay munaasabadda ayaa si weyn usoo dhaweeyay caleema saarka Malaaq Cali Maxamed Wehliye, isagoo u rejeeyay inuu noqdo kii nabad iyo baraare u horseeda bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) ayaa ugu hambalyeeyay Malaaqa xilka dhaqanka ee loo caleema saarayo, wuxuuna kula dardaarmay in uu si hufan u guto howlaha loo igmaday.

    Gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo isna ka hadlay xaflada Caleemasaarka ayaa soo dhoweeyay caleemasaarka Malaaqa isagoo ugu hambalyeeyay Malaaq Cali Maxamed Wehliye in uu noqdo Malaaqa 11-aad ee beelaha Xamar iyo Xamar-daye  wuxuuna ballan qaaday in uu si wanaagsan ula shaqeyn doona malaaqa.

    Imaam Maxamed Yuusuf oo ku hadlay magaca duubabka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa malaaqa u hambalyeeyay isagoo tilmaamay in xil culus loo dhiibat, sidaasi darteedna loo baahanyahay in uu si daacadnimo leh ugu shaqeeyo xilka loo doortay.

    “Malaaq Cali Maxamed Weheliye waan la shaqeyndoonaa hadaan nahay duubabka Soomaaliyeed, waxaana u rajeeyhaa in uu Alle la garab galo xilka culus ee loo caleema saaray” ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

    Malaaq Cali Maxamed Wehliye ayaa noqonaya Malaaqa 11-aad oo ay yeeshaan beelaha dega Xamar Xamar Daye, iyadoo xafladda caleemaarka maanta ka dhacday deegaanka Ceelcadde ay ku dhacday jawi aad u wanaagsan oo heer sare ah.

    20
    2

    3

    4

    6

    7

    8

    9

    10

    11

    12

    13

    14

    15

    16

    17

    18

    19

    [ad name=”HTML”]

    21

     

    55

     

    [ad name=”HTML-1″]

    [ad name=”HTML-6″]

    Malaaq Cali Xamar iyo Xamardaye
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaare kuxigeenka oo socdaalkiisii koowaad uga baxay Muqdisho
    Next Article Qorshaha Kenya iyo dhismaha derbigeeda dhul boobka ah (Dhacdadii Beledxaawo- QEYLO-DHAAN)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo