Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in degaanka Afgaraar uu saaka waaberigii uu dagaal ku dhex maray maleeshiyaadka Daacish iyo Al-Shabaab.
Dadka degaanka ayaa sheegay inay labada dhinac uu dagaal culus dhex maray, iyadoo la maqlayey dhawaqa rasaasta xoog leh oo isweydaarsanayeen. Waxaa la damiyey isgaarsiintii degaannadaasi oo isu socodkoodu adag yahay.
Goobaha uu dagaal ka dhacay ah Dhul buuralley ah oo dhinaca bari ka xiga magaalada Boosaaso qiyaas dhan 80 KM, mana jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Waa markii saddexaad ee uu dagaal ku dhex maro agagaarka deegaanka Dhaadaar labada dhinac ee Daacish iyo Al-Shabaab. Waxayna dagaallada Alshabab iyo Daacish bilowdeen markii Alshabaab ku dhawaaqay inuu dagaal la gelayo Daacish.