Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in la dilay madaxii howlgelinta Ururka Al Shabaab ugu qaabilsanaa Gobolka Hiiraan.
Dilka arkanaalkan oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Aadan ayaa ka dhacay degaanka Luuq Jeelow, waxaana fulisay dabley degaanka kasoo jeeda oo gacan ka heleysa ciidamada dowladda, iyadoo ka careysan dil Alshabaab kula kacday oday dhaqameed degaankaasi kasoo jeeda.
Sarkaalka la dilay ayaa caan ka ahaa gobolka Hiiraan, waxaan dilkiisa uu imaanayaa iyadoo maleeshiyo beeleed iskood isu abaabulay ay bilaabeen inay la dagaalamaan Kooxda Alshabaab.
Laba kale oo ka mida Alshabaab ayaa la sheegay in lala dilay Sarkaalka Alshabaab oo qaabilsanaa howlgelinta ciidamada Shabaabka ee Gobolka Hiiraan.
Wadani.com