Dowladda Mareykanka ayaa joojisay deeq ay dadka Falastiin u marsiin jirtay Hay’adda Q/Midoobay ee UNRWA, iyadoo ay afhayeen u hadlay xukuumada Falastiin uu ugu baaqday dowladda Mareykanka inay ka laabato go,aankaasi.
Dowlada mMareykanka ayaa dhowaan ku dhawaaqday in ay jareyso kaalmadii gargaar ahaan u bixin jirtay, iyadoo ay ugu wacan tahay markii maamulka Falastiin uu diiday go’aanada madaxweyne Trump ee magaalada Qudus lagu siiyey Yuhuudda.
Go,aanada uu ka joojiyay caawinta shacabka Falastiin ayaa lagu tilmaamay weerar ka dhan dadka Falastiiniyiinta ah ee u baahan gargaarka sida uu sheegay afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Nabil Abu Rudainah.
Dowlada Mareykanka ee uu hoggaamiyo Trump ayaa saaxiib dhow la ah Israel ayaa go’aanka ay qaadatay ee ay ku joojiso dadka Falastiin u marin jirtay hay’adda Gargaarka ee Qaramada Midoobay u adeegsatay arrimo siyaasadeed.
Afhayeenka Wasaarada Arimaha Dibada Mareykanka Heather Nauert ayaa sheegtay in gargaarka ay Qaramada Midoobay qeybteeda Falastiin ay u marsiiyaan aanu aheyn mid loogu talogalay in la siiyo dadkii xaqa u lahaa.