Mareykanka ayaa farriin kale oo toos ah u diray Madaxda Soomaalida, isagoo ku booriyey in inay xaliyaan arrimaha horyaalla Heshiiska Doorashada ee 17-kii September 2020.
Farriintan oo soo baxay wax-yar kadib markii Beesha caalamka ay ka digtay inaan dib loo dhigin shirka lagu baaqay 15-ka Febraayo, iyadoo cudurdaar laga dhigayo goobta lagu qabanayo shirka oo aan la isku waafaqin.
“Waxaan ku boorineynaa hogaamiyaasha inay xaliyaan arimaha looga dooday shirkii Dhuusamareeb, ayna waqti kooban ku qabtaan Doorashada iyadoo la fulinayo heshiiskii 17-ka September..” ayaa lagu yiri Farriinta kasoo baxday Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Mareykanka oo farriintiisa ku wajahay Madaxweyaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qoraalka kasoo baxay safiirka Donald Yamamoto ku yiri: “Waxaa la joogaa waqtigii la muujin lahaa hoggaan rabitaan leh oo jihadiisu caddahay iyo midnimo lagu wajaho, si loogu dhaqaaqo waxa u wanaagsan oomaaliya oo tusaale u noqda mustaqbalka Afrika”.
Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa ku heshiin waayey fulinta heshiiska Doorashada, taasoo dalka gelisay xaalad xasilooni darro iyo hubanti la’aan ah, iyadoo farta lagu wada fiiqayo inuu Farmaajo ka caga jiidayo qabashada Doorasho xor iyo xalaal ah.
