Dowladda Mareykanak ayaa soo dhoweysay doorashada Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle oo maanta lagu doortay magaalada Cadaado.
Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay hambalyo u dirayaan madaweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle.
Mareykanka ayaa ka dalbaday madaxweynaha cusub ee Galmudug inuu ku dhaqaaqo laba Qodob oo kala ah: Inuu la heshiiyo Ahlu suna Waljamaaca-da Gobollada Dhexe iyo inuu la dagaalamo Musuqmaasuqa.
Soo dhoweynta iyo hambalyada ay dalabka soo daba dhigtay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa muujineysa hab dhaqanka diblomaasiyadda Mareykanka ee Soomaaliya.
Wadani.com