Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Mareykanka oo Liiska Argagixisada Caalamiga ah ku daray Afhayeenka Guud ee Alshabaab Cali Dheere iyo..

    Mareykanka oo Liiska Argagixisada Caalamiga ah ku daray Afhayeenka Guud ee Alshabaab Cali Dheere iyo..

    August 7, 2021Updated:August 7, 20212 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email


    Dowladda Mareykanka ayaa liiska argagixisada caalamiga ah ku dartay afhayeenka maleeshiyada Al-shabaab Cali Maxamed Raage (Cali Dheere) iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo loo yaqaan Cikrima oo ah madaxa qorsheynta howlgallada Al-shabaab.

    Bayaan uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu yiri “Waxaan ku dhawaaqayaa magacaabista shan hoggaamiye argagixiso ee Afrika, kuwaas oo kala ah:

    1- Bonomade Machude Omar Hoggaamiyaha waaxda arrimaha dibada iyo militariga ee ISIS-ta Mozambique

    2- Sidan ag Hitta, hoggaamiyaha maleeshiyada Jama’at Nasr al-Islam wal Muslimin (JNIM) ee dalka Mali

    3- Salem ould Breihmatt, oo ah khabiir ku takhasusay qaraxyada, ahna hoggaamiye sare oo ka tirsan JINM qeybta Burkino Faso

    4- Cali Maxamed Raage, waa afhayeenka sare ee Alshabaab iyo hoggaamiye sare oo Alshabab ka tirsan.

    5- iyo C/qaadir Maxamed C/qaadir waa madaxa Qorsheynta Alshabab, waxaa loo aqoonsaday inay yihiin Argagixisada Caalamiga ah ee Gaarka ah.

    “Cali Maxamed Raage, oo loo yaqaan Cali Dheere, waa afhayeenka al-Shabaab iyo hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxdan. Wuxuu beddelay Sheekh Mukhtaar Roobowas afhayeenkii ugu sarreeya al-Shabaab bishii Maarso 2009. Raage wuxuu ku lug lahaa qorsheynta weerarro lagu bartilmaameedsaday deegaanno ka tirsan Kenya iyo Soomaaliya” ayuu yiri Xoghaye Blinken.

    Blinken ayaa sheegay in Mareykanku ciqaab iyo cunaqabteyn adag saari doono shakhsiyaadka iyo ha’adaha gacansiiya ama la macaamila shantan xubnood.

    “Mareykanka waxaa ka go’an inuu cuuryaamiyo hababka maaliyadeed ee ISIS-Mozambique, JNIM, iyo al-Shabaab, kuwaas oo dhammaantood loo aqoonsaday Ururo Argagixiso Shisheeye iyo si loo xadido awooddooda ah inay fuliyaan weerarro kale oo ka dhan ah dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Blinken.

    Afhayeenka Alshabab Alshabab Sheekh Cali Dheere Top US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Cali Guudlaawe oo Dagaal Siyaasadee la galay Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha iyo Sababta
    Next Article XOG: Waanwaantii ugu danbeysay oo laga dhex wado khilaafka Doorashada ee RW Rooble iyo Cabdi Xaashi

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo