Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Mareykanka oo Magdhow siinaya Qoys uu 10 Qof ka dilay oo Reer Afghanistan ah (Sidee loo kashifay?)

    Mareykanka oo Magdhow siinaya Qoys uu 10 Qof ka dilay oo Reer Afghanistan ah (Sidee loo kashifay?)

    October 16, 2021Updated:October 16, 20212 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Mareykanka ayaa ugu danbeyn ogolaatay inay bixiso magdhow dad shacab ah oo ay ku leysay weerar Diyaarad Drone ah oo ka dhacay magaalada Kabul

    Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa cadaadis dheer kadib shaacisay inay ogolaatay bixinta magdhaw ay siineyso qaraabada 10 qof oo lagu dilay weerar diyaarad Drone ah si khalad ah loogu laayey dad shacab ah magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, bishii August 2021.

    Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Waaxda Difaaca ay sidoo kale la shaqeyneyso Waaxda Arrimaha Dibadda si ay gacan uga geysato in Mareykanka la dejiyo xubnaha qoysaskan ee ka badbaaday duqeynta.

    Arrintan ayaa timid markii qoyska xaquuqa la kulmay uu sheegay inaan wax xiriir ah lala sameyn tan iyo intii ay la shaaciyey baaritaankii duqeynta oo soo bandhigay sida duqeyntu u dhacday.

    Kirby wuxuu sheegay in arrintani ay ka dhalatay kulan Khamiistii dhex maray Dr. Colin Kahl, oo ah ku xigeenka xoghayaha difaaca ee dhinaca siyaasadda iyo guddoomiyaha hay’adda caalamiga ah ee Nafaqada & Waxbarashada Dr. Steven Kwon.

    “Dr. Kahl wuxuu ku celiyay ballanqaadkii Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ee qoysaskan, oo ay ku jirto bixinta lacag magdhaw ah,” ayuu yiri Kirby. Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby, ma aanu sheegin inta ay dhantahay lacagta la siindoono qoysaskan.

    29 -kii bishii Agoosto, ayaa gantaalka Mareykanka ee Hellfire wuxuu ku dhacay Guri ku dhow garoonka magaalada Kaabul, waxaana lagu beegsaday baabuur uu waday Zemerai Ahmadi, oo ahaa shaqaale hay’ad samafal oo Mareykanku markii hore ku sheegeen xubin ka tirsan Daacish oo weerar qorsheynayey, waxaana duqeyntan ku dhintay guud ahaan 10 xubnood oo qoyskan ka mid ah oo ay ku jiraan toddoba carruur ah.

    Kiiskan waxaa baaritaan culus oo ay sameeyeen ku kashifay Suxufiyiin ka tirsan Wargeyska caanka ah ee New York Times, waxaana Wasaaradda difaaca Mareykanka qasab ku noqotay inay qirato khaladka lagu laayay qoyskaasi oo gantaalku ku dhacay xilli ay biyo u raadiyeen magaalada.

    Lacagta Mareykanku ka bixiyo dadka ay milaterigiisyu dileen ayaa aad u kala duwaneyd sanadihii la soo dhaafay. Sanadkii 2019 yaa la sheegay in Pentagon -ku uu bixiyay 71 magdhowl mid waliba u dhexeysay $ 131 illaa $ 35,000 , iyadoo la siiyey qoysas dad looga dilay dalalka Afghanistan iyo Ciraaq.

    Afghanistan US Zemari Ahmadi
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaan Ingiriis ah oo lagu dilay Weerar Toorey loo adeegsaday iyo Nin Somali ah oo loo qabtay..
    Next Article Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddi cusub (Akhriso Magacyada)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo