Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyye inay duqeyn ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo halkaasi ku dilay sarkaal ka tirsan Alshabaab.
Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaha dowladda Soomaaliya ay burburiyeen xarun ah Alshabaab lahayd, iyadoo weerarka lagu dilay sarkaal Alshabaab ah, mid kalena lagu dhaawacay; isla markaana aysan jirin qasaare soo gaaray dad shacab ah.
Taliska AFRICOM ayaa sidoo kale waxa uu qoraalkiisa uu ku sheegay in ay sii wadi doonaan duqeymaha lala eeganayo saraakiisha Al Shabaab ee ku sugan degaano ka mid ah dalka.
Warbaahinta Alshabaab ayaa hore u shaacisay in duqeynta ka dhacday Jilib lagu dilay saddex caruur ah. (Halkan ka akhriso)
