War ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah oo ay qaadeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay u badan tahay in lagu dilay hogaamiayah Daalibaan ee dalka Afghanistan Mullah Akhtar Mansuur.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntu ka dhacayd meel u dhow xuduudka Pakistan iyo Afghanistan. M cadda faahfaahin duqeynta Mareykanka, waxaana soo baxaya warkan oo hadda uun ay shaaciyeen saraakiisha milateriga Mareykanka.
Mullah Akhtar Mansour ayaa bedelay hogaamiyihii aasaasay Daalibaan Mullah Cumar oo geeridiisa la ogaaday dhowr sano kadib.
Wadani.com