Taliska iyo ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM ayaa War Cad kasoo saaray weerarkii ay wadajirka u fuliyeen Ciidamada Soomaalida iyo Mareykanka ee 8-kii Bishan May ka dhacay duleedka Bariire ee Gobolka Sh/hoose.
Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in kaalinta Mareykanka ee howgalka ahayd taageero iyo la-talin, ujeedkiisuna ahaa in laga hortago oo la kala tuuro shakabadda Alshabaab, waxayna intaas ku dareen in ay ka war heleen warar ku saabsan in dad rayid ah lagu dilay weerarkaasi.
“Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa eedaha ku saabsan in rayid ah ku waxyeeloobeen howlgalka…, Eedaha ku saabsan rayid waxyeelo soo gaartay taliska AFRICOM dib ayey u eegeysaa, haddii warbixinta ay tahay mid la qaadan karo oo huban, USAFRICOM waxay qaadan doontaa tallaabo xigta…” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Mareykanka ee Afrika.
Weerarka ayaa la sheegay in lagu dilay 5 qof oo rayid ah, laguna dhaawacay 5 kale iyadoo meydadka dadkaasi lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.