Indhahooda waxaa ka muuqda daal iyo dhafar farabadan waxaana muuqata intii ay kareen ka badan in ay sameynayaan waa hawlwadeennada naftood hurayaasha ah ee safka hore ku jira waa dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal.
Dadka u i imaan jiray Isbitaalka si looga baaro in caabuqa uu haleelay iyo inkale tiradii ugu badneyd ayaa maanta timid oo dhammaantood doonaya in la baaro, qof walbana isaga ayaa doonaya in uu noqdo qofka ugu horeeya ee la baaro taasi oo keeneysa in dadku aad isugu soo dhowaadaan waxaana ku jira carruur yar yar oo waalidkood u keenay in loo baaro.
Hawlwadeennada aad ayey dadkaan ugu shaqeynayaan. Geesta kale waxaa isbitaalka imaanaya ehellada bukaannada isbitaalka jiifa oo soo booqanaya Dadkooda, halkaan waxaa dhooban dhalinyaro waalidkood oo naqaska ku dhegay maanta keenay waxeyna ku doodayaan ineysan meelna u socon oo ay diyaar u yihiin iney waalidkood la dhintaan taas oo aanay caalamka kale ka jirin.
Guud ahaan isbitaalka waxaa ka socota shaqo aad u xoogan oo aan hagar laheyn. Xaqiiqda ilaahey igu ogyahay ayaa ah in qofkii tagaa Isbitaalka Martini uu soo laabanaayo isaga oo murugaysan sidoo kale xaqiiqda rasmiga ah indhihiisu kusoo arkay waayo xaalada aad adiga u tagtay mid kasii daran ayaa arkaysaa oo hadana inta tabar ah lala tacaalaayo ma jiraan bukaano banaan jiifa iyo kuwa banaanka loo soo saaray intaba war soomaaliyeey meeshan waa meesha kaliya ee hada dalkoo dhan ka furan oo badino goobaha qalabka iyo kahortaga intaba.
Waxaan ka tiriyay muddo saddex saac aan ka badneen 25-Ambulece oo dad lee wada markii ay shaqaalaha caafimaadka codka gaariga maqlaa. Banaanka ayay imaanayaan si bukaankaasi cusub meel ugu raadiyaan lkn ehelkaa laga fujin karin oo waxay leeyihiin waalidkey kama tagi karo meeshaasi dood ayaa ka dhalanaysa .Halkaas markii ay sheekadu mareyso waxaa lagamamaarmaan ah in dowladdu awood u adeegsato sidii Dadka loo xakameyn lahaa.

W/Q: Abdalla Hassan Baliil
– Weriye-