Iyadoo la filayo maalinta Arbacadda ee berito uu magaalada Muqdisho ka furmayo shirka Madasha Qaran
ee madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuw maamul goboleedyda ayaa shirkaasi waxaa markii ugu horeysay ka qeyb galaya mas’uul aan la fileyn.
Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ka mid noqon doona madaxda shirka Madasha qeybta ka ah, isagoo metelaya maamulka Galmudug oo wakiil ka ah madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed uu caafimaad ugu maqan yahay dalka India.
Maxamed Xaashi waxaa shirka ku wehlin doona C/weli Maxamed Cali (Gaas), Axmed Madoobe iyo Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Arrintan waxay xiiso u yeeshay shirka oo isla markiiba yeeshay qaab cusub oo aan hore loogu talogelin, waxaana shirka iska waayay qeyb ahaan beesha Hawiye oo kaliya hal maamul madax ka ahayd xilli arrimo xasaasi ah go’aan laga gaarayo.
Muuqaalka berito ee Madasha Qaran marka lagu eego miisaanka beeleed wuxuu noqon doonaa arrin aan lagu talo gelin, waxayna ciriiri sii gelineysaa madaxweyne Xasan Sheekh oo intii uu talada hayay ku fashilmay inuu dhiso maamulada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir oo aan wax metelaad ah ku lahayn Madasha.
Wadani.com