Qarax Gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay geerida mas’uul hore uga tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir, sida ay sheegeen wararka laga helayo caasimadda Somalia.
Qaraxa ayaa haleelay Gaari uu watay Amiin Sheekh Cilmi, oo hore u soo noqday Xoghayihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo la xaqiijiyey inuu qaraxa u geeriyooday, wuxuuna Qaraxa ahaa mid loogu xiray gaarigiisa, isagoo qabsaday xilli uu marayey Isgooska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Waa qaraxii labaad ee maanta ka dhaca magaalada Muqdisho oo lala beegsado mas’uuliyiin, iyadoo saaka Qarax loo dhigay Gaari lagu dhaawacay Agaasimihii Isbitaalka Xoogga Dalka Khadiija Imaan Ceynte.
HOOS KA AKHRISO