Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in dil qorsheysan uu halkaasi caawa ka dhacay.
Koox hubeysan ayaa Magaalada Laas-caanood oo ay maamusho Somaliland ku dilay Guddoomiyihii xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID ee Gobolka Sool oo lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Aflahar.
Dableyda dilka geysatay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsatay, waxaana halkaaasi tegay ciidamad amniga magaalada Laascaanood oo baaritaan bilaabay.
Marxuumka la dilay oo ahaa Guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool ayaa sidoo kale soo noqday xubin kamid ah Golihii hore ee deegaanka Laascaanood.
