Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee muranka ka taagan yahay ayaa kulankoodii ugu horeyay ku yeeshay magaalada Hargeysa, iyadoo doortay Gudoomiyaha Guddigaasi.
Guddiga oo uu dhowaan lagu hor dhaariyey madaxweynaha Somaliland ayaa guddoomiuye u doortay Cabdirashiid Riyo-Raac oo ahaa qofka uu muranka ka taagnaa ee xisbiyada mucaaradka ay diideen inuu ka mid noqdo Guddiga Doorashada, isagoo ka mid ahaa xisbiga Kulmiye.
Arrintan aya uga sii dareysa khilaafkii ka taagnaa Guddiga Doorashada Somaliland, waxayna meesha ka saareysaa waanwaantii ay wadeen mas’uuliyiin hore iyo ganacsato doonayey in la isku doo dhoweeyo xukuumadda Muuse Biixi iyo xisbiyada Mucaradka.