Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa laga reebay inuu ka mid noqdo wafdigii dowladda Federaalka u dirtay nabadeynta colaada magaalada Beledweyne oo uu hogaaminayay wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Axmed, kana mid ahaa madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Warar aanu ka helnay ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in Axmed Madoobe codsaday inuu qeyb ka noqdo wafdiga inuu aanu ku soo biirin C/kariin Guuleed, balse ay ka cago jiideen codsigiisa madaxda dowladda ee wafdiga qabanqaabineysay.
Wasiiro iyo xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa wafdiga u badnaa waxaana markii dambe ku biiray Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, taasoo aanu ku qancin Axmed Madoobe. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in beelaha colaadu ka dhaxeyso ay diiday Axmed Madoobe inuu waanwaanta ka mid noqdo iyadoo loo aaneynayo in Kilinka Shanaad ee Itoobiya laga hubeeyo beesha kale ee dagaalku kala dhaxeeyo.
Wadani.com