Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Maxaa dhacay maalintii labaad ee Dacwadda Kiiska Badda? (Kenya Qoraal cusub dirtay iyo Somaliya oo su’aal..)

    Maxaa dhacay maalintii labaad ee Dacwadda Kiiska Badda? (Kenya Qoraal cusub dirtay iyo Somaliya oo su’aal..)

    March 16, 2021Updated:March 17, 20213 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dhagaysiga dacwadda Soomaaliya iyo Kenya ee maxkamadda Hague ayaa lasoo gabagabeeyey maalintii labaad oo ay hadalkooda sii wateen qareennada u doodaya Soomaaliya.

    Guddoomiyaha Maxkamadda Joan E. Donoghue ayaa ka hor intii aysan dhagaysiga soo xirin shaacisay inay Kenya warqad usoo qortay maxkamadda ICJ, taasi oo laga doodayo. Waxayna intaas ku dartay in isbeddel ku iman karo jadwalka dhagaysiga ee maxkamadda. Soomaaliya ayaa waqti la siin doonaa jeedinta ugu danbeysa, halka Maxkamadda go’aan ka gaari doonto qoraalka ka yimid Kenya.

    Qareen ka mida Maxkamadda ICJ oo lagu magacaabo Bennouna aya Soomaaliya su’aal ka weydiiyey dood ku saabsan xuduudka Badda ee Kenya iyo Tanzania iyo heshiis jiray sanadkii 1927 oo qareenada Soomaalida ay soo bandhigeen.

    Labada qareen ee Mr. Paul Reichler iyo Mr. Edward Craven ayaa maanta hadlay ayaa soo bandhigay mowqfika Soomaaliya ee ku aaddan sida ay tahay in loo xadeeyo xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

    Qareenka hore ayaa sheegay inay Soomaaliya mowqifkeeda tahay in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda. Qareenada Soomaaliya waxay sheegeen in xadaynta badda ee noocaas ah loo adeegsaday xukunnadii hore ee maxkamaddu go’aamisay ee ku aaddan badaha waddamo uu muran ka dhexeeyey sida Bangladesh iyo Myanmar oo kale.

    Qareennada Soomaaliya waxay sheegeen in xariiqa tooska ah uu si caddaalad ah badda ugu kala qaybinayo Soomaaliya iyo Kenya. Waxay gaashaanka ku dhufteen in xuduuddu ay ku salaysnaato loolka oo ah mowqfika Kenya. Qareenada waxay sheegeen in loolka ay Kenya ku salaynayso dooddeeda aanay jirin meel laga isticmaalo, islamarkaana uu xaqdarro ku yahay Soomaaliya.

    Qareenadu waxay ku eedeeyeen Kenya inay dacwaddeeda ku salaynayso qaynuuno aan ahayn kuwa caalamiga ah.

    Qareenada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay tallaabooyinka ay Kenya qaadday marka ya noqoto dhulka la isku hayo. Qareenada Soomaaliya u doodaya waxay sheegeen in Kenya ay ku xadgudubtay madax bannaandida dhulka Soomaaliya.

    Qareenada waxay kale oo ay sheegeen in Kenya ay qiratay inay bixisay shati la siiyey ugu yaraan shan shirkadood oo shidaal ka baaray dhulka ay sheeganayso Soomaaliya. Waxay Qareenadu intaas ku dareen in weliba ceel laga qoday dhulka ay Soomaaliya sheeganayso.

    Waxay qareenada ugu baaqeen Kenya inay joojiso, islamarkaana waxba kama jiraan kasoo qaaddo shatiyada ay siisay shirkadahaas. Waxay sheegeen in Soomaaliya oo doonayso niyad wanaagsan derisnimo aysan doonayn inay Kenya mag dhow ka siiso xadgudubyada ay samaysay.

    Waxayse qareenadu sheegeen inay Soomaaliya doonayso saddex arrimood oo kala ah:

    1- In maxkamadda caalamiga ah ay si cad u xaqijiso xaqa ay Soomaaliya u leedahay dhul badeedkaas

    2- Inay diiwaan-geliso xadgudubyada ay Kenya samaysay,

    3- Iyo in la joojiyo tallaabooyinka Kenya.

    ICJ Kenya Somalia Maxkamadda ICJ Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/raxmaan C/shakuur oo Jawaab kulul ka bixiyey Siyaaradii Wasiirad Khadiija Diiriye ee Qabriga Jaalle Siyaad
    Next Article Qoorqoor oo Casuumaad Gaara u fidiyey Afar xubnood oo ka tirsan Midowga Musharixiinta iyo arrimihii..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo