Xoghayaha guud ee Q/Midoobay António Guterres ayaa xalay soo saaray bayaan ku saabsan go’aankii dowladda Somalia ay ku diiday inay la shaqeyso wakiilkiisa u qaabilsanaa Soomaaliya, isagoo caddeeyay inuu si weyn uga xun yahay tallaabada dowladda Somalia.
Bayaanka xoghayaha guud waxaa lagu sheegay inuu si buuxda u taageersan yahay wakiilkiisa oo ah nin khibrad iyo ixtiraam ku leh UN-ka dhexdiisa, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay Hay’adda Qaramada Midoobay, waxaana dowladda Somalia loogu sheegay in ergeyga ay isticmaaleen ‘Nin aan laga rabin dalka’ -Persona non garata’- aanu qabanin mas’uuliyiinta Q/Midoobay oo iyagu aan u baahneyn aqoonsi, sida uu dhigayo heshiiska Viena 1966, taasina ay isticmaalaan dalalka dhexdooda.
Qoraalka xoghayaha guud waxa ku caddeyd in si kastoo ay wax u dhaceen uu muhiimada siinayo sii socoshada shaqada xafiiska UNSOM u hayo dadka Soomaaliyeed, sidaasina uu u qaatay go’aan ah inuu magacaabo mas’uul kale oo wakiil uga noqda Soomaaliya.
Akhriso: UXoghayaha Guud ee Q/Midoobay oo Wakiil cusub magacaabaya, Farriin Culusna u diray Dowladda Somalia
Afhayeenka Xoghayaha guud Farhan Haq ayaa la weydiiyey haddii dowladda Somalia ay kala hadleen sidii dib loogu celin lahaa Wakiilka Nicholas Haysom, wuxuuna sheegay in xoghayaha guud António Guterres uu khadka telefoonka muddo laba jeer ah kula hadlay madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo maalmihii ugu danbeeyay, isla markaana natiijadii ay noqotay in lasoo saaro bayaanka.
Waxaa si weyn loo filayay in Xoghayaha guud ee Q/Midoobay uu bedeli doono wakiilkiisa Nicholas Haysom oo ay isku dhaceen madaxda dowladda Somalia, balse xaaladii keenay isku dhaca ee wixii ka dhacay magaalada Baydhaba uu mar kale soo nooleyn doono ergeyga cusub iyadoo xaaladda ay ka culus tahay sidii hore.
UN Secretary-General to appoint a new Special Representative for Somalia