Waxaa maalmihii ugu danbeeyay soo baxay warar si weyn loogu baahiyey baraha bulshada oo sheegaya in ciidamo ka amar qaata Kooxdii Ahlu suna ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan degaano ka tirsan Galmudug oo ay ku jirto magaalada Dhuusamareeb.
Wararkan ayaa lagu soo beegay xilli ay Galmudug dib ugu laabteen madaxda ururkii la kala diray ee Ahlu Sunna, sida Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shaakir Cali oo degaanka Huurshe u tegay ka qeybgalka Siyaarada Sheekh Yuusuf Direed.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa beeniyey jiritaanka wararka ku saabsan abaabulka ciidamada Ahlu Suna, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay sida wararkaas beenta ah ugu faafeen saxaafadda iyo Baraha bulshada.
“Waa warar la cayiliyay, Anagoo iska hurdeyna ayaa waxaa la yiri dad ayaa ka qaxaya Dhuusamareeb.. waxay ahayd wax lagu qoslo.., ma jiraan wax colaad ah” ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in madaxdii Ahlu suna ay ka qeyb galayaan siyaarada degaanka Huurshe, wax dhibaato ahna aysan ku ogeyn.
Wuxuu intaas ku daray inaysan jirin saraakiil ka tirsan Galmduug oo ka tegay ciidamada Galmudug, iska markaana aysan ka fileynin culimada soo laabatay inay colaad abaabulaan, iyadoo uu jiro caddow ay wada leeyihiin.
