Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muudey ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku kala diray Guddigii Maaliyadda ee Baarlamaanka ee dhowaan soo saaray warbixin ku saabsan wax is daba marin ka dhacay Miisaaniyadda 2018.
Qoraalka ayuu guddoomiye ku xigeenka ku sheegay inuu la-tashaday guddoomiya ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka, isla markaana uu arkay xaaladda uu marayo Guddiga oo dhexdooda khilaaf soo kala dhexgalay, wuxuuna kala diray Guddigan. [Akhri Warkan]
Xoghayaha Guddiga la kala diray xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa saxaafadda u sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh uu ka hor jeedo go’aanka lagu kala diray guddigooda, iyadoo aanay jirin cid xaqiijisay arrintan.
Dhinaca kale xubno ku dhow Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Muudey ayaa sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka oo hadda ku sugan dalka Turkiga arrimo gaara dartood uu si buuxda ula socdo tallaabada lagu kala diray Guddiga, isla markaana uu taageersan yahay.
Kala dirista Guddigan ayaa waxaa ka hor yimid xildhibaanno u badan kuwa mucaaradka ku ah dowladda, wuxuuna uga sii daray xaaladii ka dhalatay Warbixintii Guddigaasi ee lagu kala qeybsamay.