Ilo kudhow Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa laga soo xigtay inay Gabadha ka tirsaneyd Hay’adaasi ee la waayey Ikraan Tahliil Faarax ay u gacan gashay Alshabaab.
Arrintan ayaa timid iyadoo ay Ikraan maqan tahay muddo ka badan 2 bilood, waxaana wararka la helay ay sheegayaan inay afduubteen xubno la shaqeeya Alshabaab, loona gacan geliyey, iyadoo markii la qafaashay la geeyay degaanka Dhaay-Tubaako ee J/Dhex, kadibna dhinaca dhoobley loo gudbiyey, ayna u badan tahay inay dileen.
Hooyada dhashay Ikraan oo lagu magacaabo Qaali Maxamuud ayaa VOA-da u sheegtay inuu jiray qof ka tirsan NISA oo u sheegay arrintan ah inay gabadheeda ua gacan gashay Alshabaab, laakiin ay taasi been tahay oo Alshabaab ka dhex raadiyeen, kana soo waayeen.
Hooyo Qaali waxay ku dooday in NISA looga baahan yahay inay caddeyso halkii laga qaaday gabadha, cidda qaaday iyo dadkii gacanta ka geystay, waxayna ku gacan seyrtay aragtida ah in Ikraan Tahliil ay afduubatay Alshabaab.
Ikraan oo muddo shan sano ah la shaqeyneysay Hay’adda NISA, soona qaadatay tababarro badan oo qaarkood dibadda loogu diray ayaa telefoonkeeda la sheegay in markii ugu danbeysay ay saddex Antena uu ku shaqeeyay sida Boondheere, Waaberi iyo C/Casiis, kadibna la damiyey markii uu gaaray KM 0 oo ah xarunta weyn ee NISA.
Hay’adda NISA oo loo heysto inay ku maqan tahay gabadhan oo ka mida saraakiisheeda ayaa dhinaca kale ka gaabsatay inay wax war ah kasoo sarto ama la wadaagto qoyskeeda, iyadoo tuhunka soo baxay uu yahay inay ku lug leedahay kiiskan oo dhaawac weyn ku ah sumcadeeda, waxaana laga sugayaa inay caddeyn u keenaan lagu qanco sida uu afduubkeeda u dhacay iyo cidda ka tirsan ee fududeysay.
HOOS KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA BANDHIGGA EE VOA
