Guddiga Doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray qoraal uu ku beeniyey inay guddigaasi is casileen, kadib qoraal laga sameeyay guddiga oo lagu sheegay arrintaasi.
Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha Guddiga Doorashada K/Galbeed Shaaci Cumar Beyle ayaa sheegay in jadwalka doorashada uu sidiisii yahay, isla markaana aanay waxba ka jirin wararka laga faafiyey Guddiga iyo qoraalka laga been abuuray.
Magaalada Baydhaba ayaa ku jirta maalintii labaad xiisad ka dhalatay markii shalay ciidamada Itoobiya ay si awood ah ku xireen Mukhtaar Roobow oo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha K/Galbeed, iyadoo kadibna u gacan geliyay ciidamada NISA ee Soomaaliya oo Muqdisho geeyay.
HOOS KA AKHRI QORAALKA GUDDIGA
HOOS KA AKHRI QORAALKA LAGA SAMEEYAY GUDDIGA EE LAGU BAAHIYEY BARAHA BULSHADA