Iyadoo ay weli socdaan isbedelladii xil ka qaadista saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowladda ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in xilkii laga qaaday mid ka mida saraakiisha ugu awoodda badnaa ciidamada xoogga.
Warar ayaa sheegaya in xilkii aga qaaday Taliyihii Saadka ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. C/llaahi Macalin Nuur oo ahaa sarkaalka ugu awoodda badan taliska ciidamada xoogga oo eedo aan yareyn loo jeedinayay sanado badan.
Xog ay heshay Wadani.com ayaa sheegaysa in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu hore u faray taliyaha cusub ee xoogga inuu xilka ka qaadista Jen. C/llaahi, balse ay uu ka caga jiiday taliyaha ciidamada Xoogga Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) oo hadda safar ku maqan, kaasoo laga sugayo go’aanka xil ka qaadista jeneraalka saadka u qaabilsan ciidamada.
Jen. C/llaahi Macalin Nuur ayaa kasoo shaqeeyay dowladihii Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ahaa sarkaal ay taliyeyaashii xoogga dalka si weyn uga caban jireen.
Wuxuu la dhashay Wasiiru dowlaha cusub ee Madaxtooyada C/qaadir Macalin Nuur, waxaana u suuragashay inuu muddo ku dhow 7 sano xilkan ku fadhiyo, kaasoo ka mid ahaa xilalka ugu muhiimsan taliska xoogga dalka.
Haddii taliyaha Xoogga uu xilka ka qaado ayaa saraakiil badan ay aaminsan yihiin inuu isbedel fiican ku dhici doona ciidamada xoogga dalka.