Waxaa maanta xabsiga loo taxaabay agaasimihii Idaacadda gaarka loo leeyahay ee Risaala oo ka howl gasha Magaalada Muqdisho Maxamed Cabdiwahaab Cabdullaahi, Tifaftirihii idaacadaasi Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar iyo mid ka mida howlwadeenada idaacaddaasi Maxamed Cabdi Cali, kadib markii ciidamada Nabadsugidda Soomaaliyeed ay ka kaxeysteen xarunta Idaacadda oo ku taalla degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.
Ma jiraan wax war ah oo dowladda iyo hay’adaheeda ammaanka ka soo saareen xariga idaacadda iyo madaxdeeda, laakiin waxaa saacadihii ugu danbeeyay la isla dhex marayay inay Idaacaddu faafisay war ku saabsan Cudurka Ebola iyo qof lagu tuhmay inuu qabo oo la sheegay inay war ka sameeyeen.
Arrinta ku saabsan in cudurka EBOLA lagu sheego Soomaaliya ama war arrintaas ka hadlayo ay sii deyso Warbaahin Soomaaliyeed waxaa welwel ka muujiyay dad fara badan oo ay ku jiraan suxufiyiin hore iyo mas’uuliyiin kala duwan oo dareemi war noocaasi ah oo si sahal ah loo shaaciyo natiijada ka dhalan karta,
Waxaan faaqideynaa warkan iyo saameyntiisa oo aanu ka eegeyno warbaahin ahaan iyo dowlad ahaan;
WARBAAHINTA
Warbaahin kasta waxay leedahay siyaasad tifatir oo u gaara, anshax qoran oo maxali iyo caalami ah iyo sharci u yaala warbaahinta oo lagu hayo marka wax ka dhacaan. Waxaan ka cudurdaaraneynaa inaan helin maqalka warka iyo qaabka ay u sii deysan idaacadda Risaala warka ku saabsan Cudurka Ebola, laakiin wuxuu weriye idaacadda ka mida sheegay inay wareysteen dad arrintaas ka hadlaya.

Marka arrintu taagan tahay war Idaacadi sheegtay oo xigasho leh sida arrintan oo kale waxay ku wareegeysaa “Mas’uuliyad” ah in war noocaas ah ay ahayd inm culeys weyn la siiyo oo aan lagu degdegin, halista ka dhalan karta darteed. Micnuhu waa in warbaahinta iska dhowrto arrimaha dalka u soo jeedi karta dhibaatooyinka iyo halis laga baaqsan karo. Waxaan kaloo ognahay xaaladda ay warbaahinta dalka ku shaqeyso iyo inkaaniyaadkeeda xirfadeed iyo aqooneed.
Idaacadaha guud ahaan iyo warbaahinta Soomaalida waxaa aalaaba ka dhaca khaladaad noocan oo kale ah oo si fudud loo sixi karo ama afeef hore laga dhigan karo, iyadoo hanuunin gaara iyo xad loo yeelayo baahinta arrimaha qaarkood ee saameynta ku leh; mana aha in arrintu gaaro dembiilenimo.
DOWLADDA
Tan iyo markii la baahiyay warkan wuxuu soo shaac bixiyay arrimo dhowr ah oo ay tahay in lagula xisaabtamo dowladda dalka iyo dadka mas’uulka nooga ahayd. Bal ila eega sida ay u dhaqantay.
= Waxaa warsaxaafadeed soo saaray 2 Janaayo Sii hayaha wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Mustax Dhuxulow (Akhri Warsaxaafadeedka) oo ka digay wararka sheegaya in calaamada cudurka EBOLA laga helay Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in wasaaradda Caafimaadka ay xaqiijisay inuusan cudurkaasi ka jirin Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu wasiirku sheegay inuu la xiriiray idaacadaha baahiyay warkaas isagoo ka soo xigtay inay raaligelin bixinayaan.
=Wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta 3 Janaayo iyaduna soo saartay warsaxaafadeed ay ku caddeysay inuusan dalka ka jirin cudurka EBOLA, (Akhri Warsaxaafadeedka) wasaaradu waxay intaas raacisay inay muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo C/qaadir Jiinow Barrow kana yimid dalka Guinea, uusan qabin cudurka Ebola, isla markaana ay saxaafadda qaar ka been abuurteen, waxaana qoraalka lagu sheegay in Cabdiqaadir uu socdaal ku soo maray dalalka Morocco iyo Turkey, halkaas oo uu baaritaan caafimaad lagu soo marsiiyay.
= Waxaa ku soo xigtay in Hay’adda Nabadsugidda ay xirto Idaacada Risaala, idaacadiina hawada ka saarto.
1. Aan isweydiinee, hadalka wasiirka warfaafinta ee ah inuu la xiriiray Idaacadaha baahiyay wararka ku saabsan Cudurka EBOLA miyaan lagu qancin? mise dowladu islama socoto wasaarad kastana howsheeda waa loo gacan dhaafaa, iyadoo aan ognahay in falal kale oo warbaahinta laga qaaday wasiirku sheegay inuusan waxba kala socon.
2. Waxaa kaloo isweydiin leh Wasaaradda Caafimaadka maxaa qorshe ah oo ay ugu talogashay inay dalka iyo dadka ka ilaaliso cudurkana halista ah? Maxa ku diyaara meelaha laga soo galo dalka ee garoomada iyo dekadaha ugu yaraan Muqdisho si loo hubiyo dadka laga yaabo inay ka yimaadeen dalalka uu cudurkan sida ba’an uga jiro.
Waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay ka seexatay arrintan. wasaarada caafimaadkuna soo baraarugtay markii warbaahintu warka sheegtay. Waxaan la soconaa in Golaha wasiirada ay hoos u dhigeen ka hadalka cudurkan iyo arrimaha la xiriira iyadoo laga baqay inay saameyn ku yeelato xilligaasi xujeydii SOomaaliyeed oo xajka isu diyaarineysay. Laakiin waxaa la yaab leh in wasaaradda caafimaadka ay saxaafadda ka ogaato qof ka yimid dalka Geni oo dalka si sahal ah isaga soo galay isagoo aan la baarin laguna hubin garoonka diyaaradaha.
Waxaa kaloo la yaab leh in wasaaradda Caafimaadka warsaxaafadeedkeeda ku sheegto in muwaadinka Soomaaliga ah ee ka yimid dalka Gini aanu qabin cudurka EBOLA.. waxaa isweydiin leh sida ay ku ogaatay kuna hubisay arrintan mise waxay ku kaaftoontay dalalka uu soo maray?. Cudurkan qofkii looga shakiyo durba lama ogaan karo inuu qabo iyo inkale ee waxaa loo baahan yahay in la karaantiilo muddo 21 maalmood ah, maxa yeelay wuxuu cudurku awood u leeyahay inuu jirka bani’aadamka isku qariyo waqtigaas.
Arrimahan oo dhan waxay bannaanka soo dhigeen heerka dayac ee dowladda Federaalka iyo hay’adaheeda arrintan qaabilsan ku sugan yihiin in dadkani Alle uun u maqan yihiin oo kaliya ay ka adag yihiin ciddii khaldanta inay xabsi ula ordaan. Waa nasiibdarro inteeda la eg oo u baahan in cashar laga barto.
Khaladka ugu weyn ee caadiga iska noqday waa in mar kastoo khalad lagu tuhmo warbaahin ay arrinteeda gacanta la soo gasho hay’adda nabadsugidda. Hay’adani waxay umada u qaabilsan tahay caddowga gudaha iyo kooxaha nabada u diiday dadkeena waa marin habaabin in loo adeegsado shacabka caadiga ah, waxayna ahayd inay arrintan loo dhaafo hay’adaha sharciga ee ay quseyso sida Wasaaradda Warfaainta, Maxkamada Gobolka, iyo Booliska.
Faallada Wadani.com