Friday, May 16, 2025

XOG CULUS: Waqti loo qabtay magacaabidda Golaha Wasiirada cusub & loolan ka dhex bilowday Madaxda sare

Wararka laga helayo xafiisyada madaxda sare ee dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa sheegaya inuu cirka isku shareeray loolanka ka dhex taagan madaxdaasi ee ku saabsan dhismaha xukuumadda cusub ee Soomaaliya kadib markii guddoonka Baarlamaanka kula taliyay Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha in Golaha wasiirada loo magacaabo si degdeg ah ilaa 5-ta bishan Janaayo 2015.

Cumar C/rashiid

Guddoonka Baarlamaanka ayaa arrintaasi sabab uga dhigay in Baarlamaanku fasax geli doono wixii ka danbeeya 10-ka Janaayo 2015, sidaas darteed loo baahan yahay in magacaabidda golaha wasiirada la dedejiyo, lana keeno qorshaha Baarlmaanka si waqti loo siiyo xildhibaannada loona ansixiyo inta aan la gaarin 10-ka Janaayo.

Ad

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu dalbaday in la siiyo magacyada jagooyinka wasaaradaha, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha loo qoondeeyay beelaha Digil & Mirifle, si uu u soo buuxiyo xilalkaasi marka uu la tashado xildhibaanada Beeshiisa.

Sidoo kale Beesha Hawiye ayaa lagu wadaa in madaxweynaha uu soo xulo xubnaha ugasoo beegmay xukuumadda xusub, halka Beesha Dir loo xil saaray guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka, Beesha Shanaad ayaa iyadana laga sugayaa inuu xubnaheeda soo buuxiyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka iyo Faarax Sheekh C/qaadir, halka Beesha Daarood uu xuli doono Ra’iisal wasaaraha.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo degdeg ku soo galay maanta Muqdisho, kadib markii uu ka warhelay in Prof. Jawaari soo xulayo xubnaha beelaha Digil iyo Mirifle ee xukuumadda cusub uga mid noqonaya.

- Advertisement -

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa diiday inuu magacaabo xubno ay soo qoreen madaxweynaha iyo kooxdiisa oo loogu talogalay inuu gole wasiiro u magacaabo, waxaana Ra’iisal wasaaruhu ku adkeysanayaa in dowlad loo dhan yahay uu magacaabo.

Dhismaha golaha wasiirada cusub ee uu guddoomin doono Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa u muuqda inuu lugaha la galay isjiid-jiid siyaasadeed iyadoo waqtigu ku socdo, lagana cabsi qabo inay qaadato waqti ka badan intii la filayay.

 

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML”]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON