Xildhibaanada taageersan madaxweynaha xilka laga qaaday ee Maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay caawa inay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.
Shir ay ku yeesheen magaalada Jowhar ayay ka sheegeen in kadib kulan ay isugu yimaadeen ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed.
Xildhibaanadan ayaa laga war helay iyagoo shir jaraa’id qabtay oo ku eedeeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Waxqabad la’aan , sida ay sheegeen lamana oga qaabka ay xilka uga qaadeen.
Xildhibaanadan ayaa sheegay inay guddoomiye cusub ka dhigeen nin lagu magacaabo Axmed Cabdi Cali iyo laba guddoomiye ku xigeen, arrintan lagu macneeyay qas siyaasadeed ka socda Jowhar.
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xildhibaanada taageersan Cali C/llaahi Cosoble ay gaareen in ka badan 20 ayna sii kordhayaan markii lacag loo qeybiyay, waxaana xaalada magaalada Jowhar ay ku socotaa iska horjeed siyaasadeed.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle uu maanta Jowhar uga dhawaaqay in doorasho madaxweynaha Hirshabeelle la qabanayo muddo 30 maalmood gudahood ah, isagoo taageeray xil ka qaadstii Cali C/llaahi Cosoble.