Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Maxaa ka socda Muqdisho?: Qorshaha Farmaajo, Saameynta Saadaq Joon iyo hanjabaadda Jen. Koronto (Faaqidaad)

    Maxaa ka socda Muqdisho?: Qorshaha Farmaajo, Saameynta Saadaq Joon iyo hanjabaadda Jen. Koronto (Faaqidaad)

    April 14, 2021Updated:April 14, 20212 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa xaalad isbedel ah gashay caasimadda Muqdisho, kadib markii aqalka hoose ee Baarlamaanka uu muddo kororsi u sameeyay madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Taliyihii Booliska G/Banaadir oo subaxnimadii 12-ka April ku dhaqaaqay tallaabo aan hore loo arag markii u ka hor yimid muddo kordhinta uu waday Baarlamaanka, isla markaana hor istaagay xildhibaannadii tegi lahaa xarunta Villa Somaliya, waxayna arrintaas oo shaqeyn weyday calaamad bilow ah u noqotay cabsi laga qabo in xiisadda siyaasadeed ee uu dalka ka jirta isu bedeli karto gacan-ka-hadal.

    Akhriso: Saadaq Joon oo ku dhawaaqay inuu joojiyay fadhigii Aqalka hoose

    Jen. Saadaq Joon oo ahaa saraakiisha ugu waaweyn ee ay ku tiirsan tahay dowadda Farmaajo, ayaa shaki laga muujiyey isbedelka lama filaanka ah ee ku yimid, iyadoo wararka qaar sheegeen inay ku lug lahaayeen musharixiin iyo qaar ka mida dalalka Beesha Caalamka.

    Saameynta Jeneraal Joon waa midda ugu culus ee heysata Farmajo iyo kooxdiisa xilligan, waxaana la sheegay inuu heysto ciidamo iyo gaadiid dagaal oo taabacsan, wuxuuna degan yahay degaan xasaasi ah.

    Farmaajo iyo la-taliyeyashiisa ayaa xalay ka shiray tallaabada laga qaadayo Saadaq Joon, waxaana mar soo baxay in la qorsheynayo weerar lagu qaado Saadaq Joon, tallaabadaas oo miiska saaran, balse aan la ogeyn xilliga la fulin doono.

    Dhinaca kale waxaa socda abaabul iyo xiriiro ay leeyihiin Musharixiinta Madaxweynaha iyo saraakiil uu ka mid yahay Saadaq Joon oo looga arrinsanayo tallaabada xigta ee looga jawaabayo muddo kororsiga Farmaajo ku dhaqaaqay.

    Jeneralka howlgabka ah ee Maxamuud Maxamed Macalin [Koronto] oo hore u ahaa taliyihii qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa baraha bulshada xalay lagu baahiyey muuqaal laga duubay oo uu uga hadlayo inay diyaar yihiin ciidamo qabsanaya garoonka iyo dekadda Muqdisho, isagoo sheegay inuusan aqbali doonin muddo kororsiga Farmaajo.

    Isagoo xubno beeshiis ah la hadlayey ayuu shaaciyey hadallo u muuqday kuwo xaalad lagu abuurayo, waxayna dad xog-ogaal ah sheegeen inuusan awood badan lahayn, balse uu taageero uga raadsanayo dad kasoo jeeda beelo gaara, miisaankiisuna uu yahay mid aad u yar.

    Askari ayaa ku dhintay xalay, kadib iska hor imaad dhex maray ciidamada dowladda oo kala shakiyey, degmada Wardhiigley, waxaana caasimadda meelo badan la dhigay ciidamada Dhar-cadka ee NISA.

    Xaaladda Muqdisho guud ahaan waa degan tahay, waxaana laga war sugayaa wax dhici doona maalmaha iyo toddobaadyada soo socda, haddii xaaladu kasii darto, iyadoo ay soo xirmeen dhammaan wadahadalladii iyo rajadii laga qabay in Doorasho la aado.

    Wadani

    Farmaajo Jeneraal Koronto Muddo kororsi Muqdisho Saadaq Joon
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSiyaasiyiinta Galmudug oo difaacay Saadaq Joon, weerarna ku qaaday Darajo ka xayuubintii Farmaajo (Warbixin)
    Next Article Dad badan oo ku dhintay Gaari Qarax ku qabsaday duleedka Balcad iyo Wararkii ugu danbeeyay…

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo