Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Featured»Siyaasiyiinta Galmudug oo difaacay Saadaq Joon, weerarna ku qaaday Darajo ka xayuubintii Farmaajo (Warbixin)

    Siyaasiyiinta Galmudug oo difaacay Saadaq Joon, weerarna ku qaaday Darajo ka xayuubintii Farmaajo (Warbixin)

    April 14, 2021Updated:April 14, 20213 Mins Read Featured
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta kasoo jeeda Galmudug ayaa weerar ku qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadib markii uu xalay soo saaray darajo iyo xuquuq ka xayuubinta Jen. Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

    Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Bukhaari ayaa sheegay inuusan Maxamed Farmaajo awood u lahayn darajo ka xayuubin sarkaal xitaa haddii uu madaxweyne sharci ah yahay, wuxuuna qoraal dheer ku faahfaahiyey sharciga loo maro Darajo-ka xayuubinta saraakiisha oo ah sida soo socota:.

    Saraakiisha (General ilaa Xiddigle) Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxaa tallaabo anshax marin ah oo culus looga qaadi si waafaqsan Qodobka 53aad ee Xeerka Boliiska Soomaaliyeed, Xeer Lr.14 ee 4 Jannaayo 1973:
    1. Taliyaha Ciidanka Boliiska waa in uu magacaabaa guddi anshax oo baara kiiska sarkaalka (waxaa ku jirto in sarkaalka la dhageysto) kana soo talo bixiya tallaabada laga qaadi karo.
    2. Guddiga waa in uu ku jira ugu yaraan hal sarkaal sare iyo saraakiil kale.
    3. Tallaabada ay soo jeediyaan ayaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu ugu soo saaro Xeer Madaxweyne. Haddii tallaabadaasi ay tahay ka-saarista Ciidanka, waa in uu soo jeediyaa Wasiirka Amniga Gudaha.
    4. Hannaankaanka anshax-marinta ma keenayo in xubin weydo xuquuqdii liiltir ay xaqa u lahayd.Haddii xubinta la maxkamadeeyo laguna helo dembiga, markaas ayaa laga hadli karaa in ay lumisay xuquuqdeeda liiltir iyo in kale.

    “Gebogebadii sharcigu kama qaadin Gen. Saadiq Cumar darajadiisii ciidan iyo xuquuqdiisii liiltir. FG: ka sokow habraacaas sharci oo la garab maray, waxaa haddana jirta in madaxweynaha ku xusan habraacas uu yahay madaxweyne xilkiisu dhaqangal yahay oo uusan dhammaanin mudo xileedkiisu sida madaxweyne-hore Maxamed Farmajo” ayuu yiri Abshir Bukhaari.

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa Farmaajo ku eedeeyay sharci darro, isagoo ku baaqay in loo diyaar garoobo sidii la isaga celin lahaa. “Farmaajo caawa wuxuu sheegay in uu Darajadii Ciidanka ka xayuubiyay Taliyihii Booliska Gobalka Banaadir Gen Saadaq Joon.Sida ku cad Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida qodobada 21aad, 22aad, 23aad iyo 24aad Sharci Lr.2 ee soo baxay 1963 waxaa sarkaal derajo ka qaadis ciidan, shaqo ka joojin ama laalid derajada lagu sameyn karaa marka maxkamadda ciidamada qalabka-sida ay ku caddeeyso danbi, xukunna ku dhaco”. ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

    La-taliyaha Madaxweynaha Galmudug Kamaal Daahir Guutaale ayaa tallaabada uu qaaday Maxamed Farmaajo sabab uga dhigay muddo kororsiga uu sameystay oo ah musiibo dalka ku habsatay; wuxuuna yiri: “Markii la lahaa awoodaha madaxweynaha hala dhimo maadaama muddada xil-heyntu ka dhamaatay, waxaa laga hadlayay madaxweynuhu inuusan qaadan go’aamada nuucaan ah oo aargoosiga ku saleysan!! Muddo kororsigu waa masiibo Dalka ku habsatay, waxa uu burburinayaa nidaamka dastuuriga ah, NABADDA yartaa oo la heysto ayuu baabi’inayaa – wuxuuna Dalka gelinayaa colaad iyo dagaal sokeeye!!”.

    Xildhibaan C/raxmaan Odowaa ayaa dhinaciisa ku dooday in Farmaajo aanu sharciyadba uheysan uu wax ku magacaabo ama xilka uga qaado, wuxuuna farriintiisa ku yiri: “Xay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa aan maqli jiray, Farmaajo wax xil ah dalkaan uma haayo sharci darro ayuu ku joogaa, darajo uu bixiyay 8 Febaraayo kadib iyo mid uu qaaday midna sharci ma ahan. Waxay ku biirayaan liiska xadgudubyada uu geysanaayo oo u qormaya. Generaal Sadaq Cumar quluubta dadka Soomaliyeed ayuu Jenaraal iyo ka badanba ku yahay”

    Abshir Bukhaari Farmaajo Mahad Salaad Saadaq Joon
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Mareykanka oo ka dalbatay Farmaajo inuu galo wadahadal, kana laabto muddo kororsiga (War Cad)
    Next Article Maxaa ka socda Muqdisho?: Qorshaha Farmaajo, Saameynta Saadaq Joon iyo hanjabaadda Jen. Koronto (Faaqidaad)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo