Kulan waqti dheer qaatay oo xalay xarunta madaxtooyada ku dhex maray xildhibaanadii taageeray Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aya kusoo dhamaaday iyadoo aan la gaarin natiijo fiican, kadib dood kulul oo dhex martay xildhibaanadaas iyo madaxweynaha oo dalbaday inay wada kulmaan.
Dooda ugu kulul ee shirka ayaa ku dul wareegeysay magacaabista Ra’iisal wasaaraha cusub oo xildhibaanadii taageeray Ra’iisal wasaare C/weli ay dalbadeen inay iyaga ka talo bixiyaan, waxayna ugu hanjabeen madaxweynaha haddii uu kala tashan waayo ama aqbali waayo inuu magacaabo shaqsiyaadka ay soo jeediyaan inay ka horjeesan doonaan iyagoo is wata.
Madaxweynaha ayaa ku dooday inay u siman yihiin xubnaha baarlamaanka, dhamaantoodna ay mudan yihiin in lala tashado, wuxuuna ku adekystay in magacaabidda ra’iisal wasaaraha ay tahay xaq sharciyeed oo isagu uu leeyahay, wuxuuse u sheegay xildhibaanadaasi inay talooyinkooda usoo gudbiyaan.
Kulankii xalay ayay goobjooge.con u sheegeen qaar ka mida xildhibaanadii ka qeyb galay inuusan waxba soo kordhin, isla markaana natiijo la’aan ku dhammaaday, wax isbedel ahna aanay ka dareemin madaxweynaha.
Wadani.com
Muqdisho-Somalia
[ad name=”HTML”]