Shir gaar ah oo shalay yeesheen Golaha wasiirada cusub ee la magacaabay oo uu guddoominayay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa looga dooday xaaladda xukuumadaasi kadib markii Baarlamaanku diiday codsigii ra’iisal wasaaraha ee ahaa in dib loogu dhigo xilliga codka kalsoonida loo qaadayo.
Golaha wasiirada ee magacaaban ayaa shirkooda ugu sheegay Ra’iisal wasaaraha inay heystaan cod xildhibaanno ku filan oo gaaraya 160 ayna kalsooni ku qabaan inay heli doonaan kalsoonida Baarlamaanka. Golaha wasiirada cusub oo gaaraya 60 xubnood ayuu shirkan u ahaa kii ugu horeeyay ee ay ka yeesheen cabsida soo wajahday Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha ee ah in xukuumada cusub halis ugu jirto in la rido.
Shirkan ayaa ku dhammaaday farxad ah in maalinta Sabtida ay xukuumadiu heli doonto codka Baarlamaanka. laakiin Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa la sheegay inuusan ku niyad sameyn xaalada Baarlamaanka. Qorshaha golaha wasiirada magacaaban ayaa ha in xubin waliba oo ka mida ay keento laba cod haddii aysan xildhibaan ahayn, iyo codkeeda iyo cod xildhibaan kale haddii ay xildhibaan tahay, iyadoo madaxweynaha lag doonay inuu ku taageero 15 xildhibaan ugu yaraan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]