Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ogolaaday wax ka bedel iyo isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada cusub ee Cumar C/rashiid uu dhowaan soo dhisay, kuwaasoo muran weyni ka dhashay lagana cabsi qabo inay kalsooni ka waayaan Baarlamaanka.

Kulan xubno ka socday beesha caalamka iyo madaxweynaha ku dhex maray shalay ayaa looga hadlay xaalada ka taagan xukuumada cusub iyo diidmada badan ee ka timid xildhibaanada, waxaana madaxweynaha loogu baaqay inuu yareeyo xiisad siyaasadeed ee ka dhalatay xukuumada cusub, kana hortago khilaaf kale oo yu yimaada hay’daha dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wax ka bedel iyo isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada cusub ee muranka dhaliyay, balse ma xaqiijin in meesha laga saarayo 4 kamida Golaha wasiirda oo muran weyn ka taagan yahay ahna saaxiibadiisa gaarka ah.
Olole balaaran oo xalay iyo maanta wadaan Golaha wasiirada la magacaabay iyo siyaasiyiinta kooxda madaxweynaha la safan ayaa xowli uga socda Muqdisho iyadoo xildhibaannada ka soo horjeeda lagu qancinayo arrimo kala duwan.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]