Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Madaxweynaha Iiraan oo wacdaro ka dhigay dalalka uu booqday ee Italy & France? [Daawo]

    Madaxweynaha Iiraan oo wacdaro ka dhigay dalalka uu booqday ee Italy & France? [Daawo]

    January 29, 20163 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha IRAN, Xasan Roxaani oo todobaadkan booqasho ku maray dalalka Italy iyo France ayaa dowladahaasi ku khasbay inay wax ka bedelaan goobaha uu booqanayo iyo waliba kulamada uu ka qeyb galayo.

    Booqashadii Madaxweynaha IRAN ayaa ah safarkii ugu horeeyey oo uu ku yimaado dalalka Midowga Yurub intii cunaqabateynta laga qaaday dalkaasi IRAN, wuxuuna Xassan Roxani booqday intuu ku sugnaa magaalada Roma Madxafka weyn ee magaalada Roma.

    Balse waxaa dood ka dhalatay Asnaabta badan ee yaal Madxafka Taariikhiga ah ee Roma.

    Xassan Roxaani ayaa sheegay inuusan dooneyn intuu booqanayo goobtaasi inuu arko Wax Asnaab Qaawan ah, taasi oo keentay in maamulka Madxafka uu Sanaadiikh waaweyn ku qariyo Asnaabta Qadiimka ah oo ay ka muuqdaan Haween Qaawan, wuxuu sidoo kale hogaamiyaha IRAN diiday in lagu sawiro Sanabyada kale ee hogaamiyayaashii hore ee Yurub ee goobtaasi yaal.

    Roxani-Madxafka-Roma

    Arrintan ayey dad badan oo u dhashay dalka Talyaaniga ka caroodeen iyagoo sheegay in Hogaamiyaha IRAN uu doonayo inuu ku khasbo dalkooda fikirkiisa Islaamiga ah, waxayna ku dhaliileen maamulka Madxafka iyo dowlada Talyaaniga inay isu duleysay hogaamiyaha dowlada Islaamiga ah ee IRAN.

    Xassan Roxani ayaa intuu ku sugnaa Roma sidoo kale booqday xarunta Vatican halkaasi oo uu kula kulmay Baadariga Kirishtaanka Katooliga Pope Francis. Wafdiga IRAN ayaa kadib u gudbay dalka France.

    Booqashadii Paris
    Roxaani ayaa Khamiistii shalay lagu waday inuu kulan QADO ah la yeesho Madaxweynaha France Mr.Francois Hollande, balse Qadadaasi ayaa la baajiyey kadib markii uu muran ka dhashay Listiga cuntada iyo cabitaanka goobta qadada la keenayey.

    Wafdiga IRAN ayaa sheegay in Cuntada iyo Cabitaanka laga dhigo mid Xalaal ah, isla markaana goobta laga qaado wax walba oo uu Khamri ku jiro. Arrintan ayuu diiday Madaxweynaha France Francois Hollande oo sheegay in Khamriga (Wine) ee ku jiray Listiga Cabitaanka aan laga saari kari maadaama ay tahay dhaqankooda, isla markaana khamrigaasi oo uu Faransiiska caan ku yahay la saaro munaasabadaha ka dhaca xarunta Madaxtooyada Paris.

    Francois Hollande, Madaxweynaha France ayaa usoo jeediyey Madaxweynaha IRAN iyo wafdigiisa in Qadada loo bedalo Quraac, balse wafdiga IRAN ayaa sheegay in Quraacda ay tahay Raqiis, waa sida ay baahiyeen saxaafada France.

    Marka laga yimaado dhaqanka isdiidan ee IRAN iyo reer Yurub, hadana booqashada hogaamiyaha IRAN ayaa ah mid salka ku heysa Ganacsi, dowlada IRAN oo laga qaaday cunaqabateynta caalamiga ah ayaa dooneysa heshiisyo waaweyn oo ganacsi la gasho dalalka Yurub, sidoo kale dowladaha Yurub ayaa iyagu xiiso u qaba dalka IRAN oo ay doonayaan shirkadahooda inay maalgashadaan.

    Hanad Askar

    Caalamka Iiraan Xasan Roxaani
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Dad badan oo ku dhintay wiil yar oo isku qarxiyay suuq ku yaala Dalka Nayjeeriya
    Next Article DHAGEYSO C/raxmaan Xoosh: “C/weli Gaas heshiiska waa saxiixay, dadka ayuu khiyaamayaa waana tuug ay tahay xilka laga qaado”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo