Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay tegay Hoyga Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyadoo waanwan laga dhex waday labada dhinac.
Kulanka oo ay ku wehliyeen siyaasiyiin ay ka mid yihiin Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer), Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale ayaa ku saabsanaa sidii xal looga gaari lahaa xaaladii ka dhalatay weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur ay ku qaadeen ciidamada dowladda aakhirkii sanadkii 2017.
Wadahadal kadib Xasan Kheyre ayaa raaligelin ka bixiyay dhibaatadii ciidamada dowladda ka geysteen Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, iyagoo uu raaligelintaasina aqbalay .
“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay. Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa..” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre oo fariin soo dhigay baraha bulshada.
Qoraal kale oo ka yimid C/raxmaan C/shakuur ayaa u qornaa sidatan: “Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raali gelin ka bixiyey weerarkii 17 Dec 2017. Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dawlada ee weerarka ku lug lahaa in ay fursadan oo kale weli u furan tahay.”



