Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa kulan socday muddo ku laba saacadood oo dhex maray odayaasha iyo xildhibaanada labada gole ee beesha H/Gidir iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Kulan ayaa ujeedkiisa ugu weyni ahaa dalab ay Beesha hordhigtay madaxweynaha oo ku saabsanaa inuu xilka Ra’iisal wasaaraha u magacaabo qof kasoo jeeda beeshooda.
Odayaasha iyo xildhibaanada beeshan ayaa u sheegay madaxweyne Farmaajo inay xaq u leeyihiin xilkan, maadamaa muddo dheer ay heysatay beesha Abgaal, isla markaana ay leeyihiin shaqsiyaad aqoon iyo karti u leh oo isbedelka ka qeyb qaadan kara.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu soo dhoweeyay talada Beesha, wuxuuna u sharxay tilmaamaha qofka uu doonayo inuu ka dhigo Ra’iisal wasaaraha, isagoo u sheegay in qofkaasi aanu ahayn mid beeleed oo wax ku soo kordhin doona beesha uu kasoo jeedo, marba haddii aanu ku soo xuleyn inuu beeshiisa si gaara u taageero.
Farmaajo ayaa caddeeyay in qofku beeshii uu doonayo ka noqon karo beelaha laga magacaabayo xilka wasiirka koowaad laakiin tilmaamihiisa ay ka mid yihiin inuusan qabiil iyo qabyaalad ku shaqeynin.
Codsi ay beesha ku dooneysay in xabsi guriga laga sii daayo Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa la sheegay inuu madaxweyne Farmaajo dib ugu dhigay kulamo dambe iyo xukuumadda la dhisi doono.
Wadani.com