Waxaa caawa kulan saacado qaatay magaalada Muqdisho ku dhex maray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo xubno ka mida Midowga Musharixiinta oo ay wehliyeen xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.
Kulanka kadib waxaa ka hadlay wasiir ku xigeenka Warfaafinta xukuumadda xilgaarsiinta C/raxmaan Yuusuf oo sheegay in looga hadlay arrimaha Amniga iyo Doorashada, shirkuna uu ahaa mid uu dalbaday Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Wuxuu intaas ku daray in kulanka lagu faaqiday sidii xal loogu heli lahaa iska hor imaadyadii dhacay, loogana hortago amniga iyo xasiloonida Caasimadda, dadkii barakacayna dib loogu doo celin lahaa; iyo sidii loogu noqon lahaa Doorashadii lagu heshiiyey ee 17- Septebar 2020, shirkuna guul kusoo dhammaaday.
Dhinaca kale Siyaasiga C/raxmaan C/sakuur ayaa sheegay in kulanka oo ahaa wadatashi looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo Amni ee dalka. “Dooddaha oo kuwo togan ahaa ayaa ku soo gebagaboobay in laga wada shaqeeyo amniga iyo qabsoomida doorasho wadar-ogal ah oo si nabad iyo xasilooni leh ku dhacda” ayuuna yiri.
Kulanka waxaa marti geliyay Madaxweynaha Galmudug, waxaana ka qeyb galay Maxamed Xuseen madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Midowga Murashaxiinta oo ay ka mid iiin Xasan Sheekh, Xasan Kheyre, C/raxmaan C/shakuur Mustaf Dhuxulow, C/qaadir Cosoble iyo xubno kale.
