Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Maxaa keenay in Facebook uu dadka adeegsado ka dalbado inay u diraan sawiradooda oo qaawan..? [Akhriso Yaabkan]

    Maxaa keenay in Facebook uu dadka adeegsado ka dalbado inay u diraan sawiradooda oo qaawan..? [Akhriso Yaabkan]

    May 25, 2018Updated:May 25, 20183 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Barta ay bulshadu ku xiriirto ee Facebook ayaa dadka waydiisanaysa sawirro ay qaawan yihiin, si ay isugu daydo in ay ka hortagto dadka aargoosi ahaan u shaaciya sawirro qaawan.

    Sawirradan qaawanida ah ee dadka Britain la waydiisanayo waxay shirkaddu uga golleedahay in ay uga hortagto dadka aargoosi ahaanta u soo bandhiga sawirrada qaawanida ah.

    Tiknoolajiyaddaas ayaana ka hortagaysa sawirrada qaawanida ah ka hor inta aysan onlineka ka soo muuqanin. Tiknoolajid noocaas ah ayaana hadda ka hor loo adeegsaday si loo joojiyo sawirrada carruurta la dhibaateeyo.

    Faceboob ayaa arrintaas tijaabo ahaan uga wadda Australia haddana tijaabooyin ka billawday UK, Maraykanka iyo Canada. Afhayeenka shirkadda ayaa sheegay in arrintaas ay u furan tahay dadka UK.

    Shirkadda Facebook faahfaahin kama aysan bixinin wixii ka soo baxay tijaabadii ay ka wadday Australia, laakiin fikirkan ayaa u muuqda in uu u baahan yahay kolsooni baaxad leh.

    Sawir aad qaawan tahay ma udiri lahayd Facebook?

    Mise heli kartaa hubaanti ah in sawirkaas si taxadarleh loo dhawri doono, iyo arrinta muhiimka ah ee ah in aan cid kale lala wadaagin?

    Siday u shaqayso arrintan

    Haddii uu jiro sawir aad ka walbahaarsan tahay, Facebook wuxuu ku leeyahay waa in aad la xiriirtaa dadka arrintaas kala shaqaynaya.

    Shaqaalaha ayaa markaas Facebook la xiriiri waxaana laguu soo diri meel aad ku lifaaqdo sawirkaaga.

    Antigone Davis oo ah madaxa dhanka ammaanka ee shirkadda ayaa sheegtay in sawirka ay arki doonaan dad kooban oo kali ah, kuwaas oo ah shan ruux oo la tababaray.

    Dadkaas ayaa sawirka u samayn doona aqoonsi dhanka dhigitaalka ah oo afka qalaad lagu yiraahdo hashing.

    Aqoonsigii gaarka ahaa ayaa markaas la kaydin. Markaas ka dib haddii qof kale uu isku dayo in uu sawirkaas dadka la wadaago waa la aqoonsan wuuna xanibmi inta uusan ku daabacmin Facebook, Instagram iyo Messenger.

    Sawirkii rasmiga ahaa ee qofku Facebook la wadaagayna lama kaydin doono.

    Antigone Davis ayaa qirtay “in aysan 100% shaqaynin tiknoolajidda lagu garto sawirrada is leh”. Sababtu waxay tahay macquulnimada in sawirka laga qaalib noqon karo sidaas daraadeedna ay ka duwanaan karaan kuwii hore. Balse waxay sheegtay in ay sii hormarinayaan.

    Arrintan ayaa si wanaagsan u shaqaynaysa marka aad hayso sawirka aad ka walbahaarsan tahay in cid kale ay si xun u isticmaasho.

    Tusaale ahaan haddii lamaanahaagii hore uu sawirro badan kaa qaaday isla markaasna aadan waxba ka haynin fikraddan kuma anfacayso.

    Sannadkii 2015 shan boqol oo ruux ayaa dawladda UK uga cawday sawirrada sida xun loo adeegsado, sannadkii 2017kii in kabadan kun ruux ayaa soo dacwooday.

    Facebook Sawirro Xulashada xulashada jimcaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSoonka Laacibka Mohamed Salah ee Fiinaalka ee Horyaallada Yurub oo Dood weyn ka dhalisay Baraha Bulshada [Sawirro]
    Next Article Wasaaradda Amniga oo War-Cad kasoo saartay shilkii dhex maray Ciidamada NISA & Xildhibaan C/llaahi M. Nuur [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo