Qoraal ka soo baxay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ku saabsanaa amar uu kasoo saaray Qashinka garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa dhaliyey su’aalo ku saabsan awoodaha isku qasan dowladda hadda jirta.
Siyaasiyiin iyo xildhibaanno ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Ra’iisal wasaare ku xigeen uu shaqo ka dhigto ama soo farageliyo arrimo hoose oo heer degmo ah sida maareynta Qashinka, waxayna arrintaasi sabab uga dhigeen mamul xumo iyo inaysan madaxda sare ee xilligan xilka haya garaneynin shaqooyinkooda.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ka mida dadka ku kacsan madaxda dowladda Somalia ayaa arrintan qoraal ku tilmaamay waxaana ka mid ahaa: “Qoraalkan uu raysalwasaare xiggeenka koowaad kaga hadlayo hawlo qashin qaadis, iyadoo ay jiraan hay’ado badan oo ka xigsan kara, waxaa kugu soo dhacaya halkii uu Cismaan Askari (AUN) lahaa: “Maskaxdaa laga abaaroo bayee.. Ninka ugu il dheerbaa, dadka ugu ayaan daran.. Waxaan lala arkayn baa, isaga uun u muuqdee “.
Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo hore u soo noqday Wasiirka Amniga ayaa isna sheegay in qoraalka uu soo saaray Ra’iisal wasaare ku xigeenka uu yahay mid aanu isagu fahmi karin, wuxuuna su’aal ka keenay sababta Qashinka ay dowladdu ugu maareyn weyday guriga garoonka, isagoo intaas ku daray haddii aanu jirin is afgarad hore in go’aankaasi aanu shaqeyn doonin.
Duqa magaalada Muqdisho ayaa hore arrintan uga hadlay isagoo ka digay Qashinka garoonka ee ka yimaada AMISOM iyo Hay’adaha kale oo halis ku haya magaalada.