Wasiirka caafimaadka xukuumadda xil gaarsiinta Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ra’yigeeda ku saabsan xaaladda halista ah ee cudurka Covid-19 kusoo bandhigtay baraha bulshada.
Wasiirada ayaa soo jeedisay in xayiraad hor leh lagu soo rogo dalka si looga hortagga fiditaanka cudurka Karoona oo kusoo laba kacleeyay Soomaaliya, taasoo ay sabab uga dhigay in sanadkii hore xayiraadda wax weyn qabatay.
Farriinta Wasiir Fowsiya ayaa u qorneyd sida soo socota;
“Xakamaynta faafidda cudurka COVID19 ee sanadki tagay waxa qayb wayn ka qaatay xayiraado laguso rogay guud ahaan wadanka. Markale waxa aan so jeedinay in xayiraadihi lasoo rogo si looga hortago faafidda heerkeedu si kordhayo ee hadda aan arkayno. Xaaladdu waa mid aad u daran hadda balse hawlaha ka hortagga iyo xakameynta waa lasii wadayaa, waxaan ku kalsoonnahay in markauu talaalka bilawdo in aan xaaladdu ay noqon doonta mid la xakameeyo. Shaqada socota waxa laf dhabar u ah bulshada ganacsatada Soomaalieed iyo ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed. Aad baan ugu mahad celinaynaa maadaama shirkadaha gaar ka ah ay yihiin kuwa muhiim u ah Soomaaliya.”
Xukuumadda ayaa ka gaabisay howlihii Covid-19, iyadoo wararku sheegayaan inay jirto kharash la’aan, taasoo keenay in shirkadaha gaarka ah ay bixiyaan taageero si loo sii wado adeegii caafimaad ee Isbitaalka Martiini.
Soomaaliya oo xilligan wajaheysa mowjaddii labaad ee Covid-19, ayaan wax talaabo ah u qaadin in la joojiyo duulimaadyada ka yimaada dalalka uu ka dilaacay nooca cusub ee Covid-19 oo ay ugu horeeyaan Ingiriiska iyo South Afrika.
Guddiga Covid-19 ee xukuumadda xilka sii heysa waxaa madax u ah Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, waxaana muuqata in talada Wasiirka Caafimaadka ay qaadan waayeen, taasoo keentay inay Wasiirad Fowsiya Baraha bulshada ra’yigeeda ku faafiso.
