Iyadoo uu socdo dadaalkii ugu danbeeyay ee xulista iyo magacaabidda Golaha Wasiirada xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya arrimo ku cusub Golaha Wasiirada.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gabagabo marinaya wasiirada uu doonayo inuu xukuumadiisa ku soo daro, laakiin arrimaha ku cusub ee la soo weriyay waxaa ka mida:
1- In Golaha wasiirada ay tiradooda gaari doonto 25 wasiir oo aanay waxba uga duwaneyn Golaha wasiirada ee ugu danbeeyay.
2 – In haween fara badan ay ka mid noqon doonaan Golaha wasiirada iyadoo xogta la helay ay sheegeyso in ilaa 5 wasiir oo haween ah ay ku jiri doonaan.
3- In Wasiiro hore xilka u soo qabtay ay dib u soo laaban doonaan, kana mid noqon doonaan Golaha wasiirada cusub.
Magacaabidda Golaha Wasiirada ayaa la sheegay inay mareyso xilli xasaasi ah iyadoo beelaha iyo awood qeybsiga wasiirada ay tahay tan ugu adag ee hortaalla Ra’iisal wasaare Kheyre.
Wadani.com