Xil wareejin cusub ayaa maanta ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana xilkii wareejiyay agaasime ku xigeenkii hore ee Madaxtooyada Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo hadda ah Xoghayaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxaana xilkaasi loo magacaabay oo la wareegay Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada C/Nuur Maxamed Axmed.
Inkastoo xilalkan aysan ahayn kuwo lagu xisaabtamo oo muhiim ah, haddana waxaa hadal heynta u yeelay xilliga kala guurka ah ee ay ku soo beegmeen, ujeedka laga leeyahay iyo sida qayaxan ee xafiiska madaxweynaha Soomaaliya looga maamulayo xaaladan kala guurka ah oo ay ka muuqato rabitaanka Madaxweynaha ee ah inuu isku heysto awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Kadib is-casilaadii Ra’iisal wasaarihii hore ee Baarlamaanka kalsoonida kala noqdeen 25 July 2020; Madaxweyne Farmaajo waxaa kusoo furmay siyaasad adag oo aanu hore u maareyn jirin, wuxuuna go’aansaday inuu wada maamulo xafiiskiisa iyo kan Ra’iisal Wasaaraha maqan, balse Madaxtooyadii noqotay Agaasime la’aan markii uu ka tegay Dr. Nuur Fuursade.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in C/nuur Maxamed oo hore u ahaa Afhayeenka Madaxweyne Farmaajo uu hadda noqonayo Agaasimaha rasmiga ah ee xilka sii heyn doona ilaa doorashada soo socota, xilkaas weyn oo in muddo ah hoos-jooge ka ahaana uu sidaa ula wareegi doono, inkastoo aan la ogeyn inuu ku-xigeeno la’aan keligiis maamuli doono Madaxtooyada sida Agaasime Fahad u maamulo Hay’adda NISA.
Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo markii labaad xoghayaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha loo magacaabay waxaa howl muhiim ah u xilsaartay madaxweyne Farmaajo, taasoo ah inuu hoosjooge u noqdo Ra’iisal wasaaraha cusub ee soo socda si loo mideeyo xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha imaan doona xilliga kala guurka ah.
Arrimahan oo dhan waxay bannaanka soo dhigeen xaaladda uu ku sugan yahay madaxweyne C/llaahi Farmaajo oo laba Bilood gudahood wajahay xaalado adag iyo cadaadis dhinac kasta uga yimid, waxayna shacabka tuseen hab-dhaqanka hoggaanka dalka ee hore uga qarsoonaa intii uu xilka hayey Ra’iisal wasaarihii hore.
Madaxweynaha ayaa awoodiisa sii xoojinaya xill aanu adlaku lahayn Ra’isal wasaare muddo ku dhow 2 bilood, waxaana socda xilal magacaabid, kala bedelid iyo qaabeyn cusub oo ay ka dhex muuqdaan shaqaalihii xafiska Madaxweynaha.



