Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Maxaa laga bartay Weerarkii Alshabaab ee Pizza House..? [Faallo ku socota Dowladda Farmaajo]

    Maxaa laga bartay Weerarkii Alshabaab ee Pizza House..? [Faallo ku socota Dowladda Farmaajo]

    June 15, 2017Updated:June 15, 20173 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Isbedel ayaa laga dareemay Muqdisho, howlgalkii xasilinta caasimadda wuxuu keenay inay yaraadaan hubkii faraha badnaa ee lala dhex marayay magaalada iyo dhibaatadii ciidamada dowladda ku hayeen shacabka.

    Tallaabooyinka ay qaaday dowladda ee ah in la xakameeyo ciidamada faraha badan ee Muqdisho dhex daadsanaa waxay ahayd tallaabo bilow ah oo si weyn loo soo dhoweeyay, waana mid mudan in lasii xoojiyo.

    Waxaa muuqata in dadaalkii amni iyo howlgalladii la fuliyay aanay horjoogsan weerar la mida kii xalay lagu qaaday Baararka Pizza iyo Posh inuu dhaco, waxaana ugu wacan arrimaha soo socda:

    1- Sirdoonka dowladda oo aan weli awood u yeelan inay sii ogaadaan qorshaha Alshabaab, kana hortagaan, haddii xitaa ay sii ogyihiin aanu jirin falcelin degdeg ah.

    2- Alshabaab oo mar waliba beegsata goobo aan la fileyn oo ah bartimaameedyo sahlan oo shacab si qasaare badan halkaas uga dhaco.

    3- Muqdisho oo ah magaalo ballaaran isla markaana aan amni ahaan gacanta ugu wadajirin ciidamada ammaanka, howgalka cusubna yahay bilow.

    4- Qaabka howlgallada ciidamada oo u badan inay wadooyinka xiraan gaadiidka isha la raacaan.

    5- Alshabaab oo sirdoon ahaan ka horeysa nabadsugidda Dowladda, isla markaana qorshooyinkooda waaweyn aan laga hortegi karin, ka daba tag maahee.

    Arrimahan oo dhan waxay keeneen in falalkii xanuunka badnaa ee weerarrada Hoteelada iyo Baararka Muqdisho ay dib u soo laabtaan iyo dabley Alshabaab ah oo saacado ku dhex dagaalanta goobaha shacabka.

    Casharka ugu muhiimsan ee laga baran karo weerarkii Hoteelada Pizza House Posh waxaa la oran karaa waa in dowladda cusub ee Farmaajo iyo Hay’ada NISA aysan waxba ka bedelin qaabkii ay u howlgeli jireen, kana fog yihiin inay ka hortagaan weerarro noocan oo kale ah oo ka dhaca caasimadda hadda iyo hadhowba.

    Sidaas darteed waxaa laga maarmaan ah in la qaado tallaabooyinka soo socda:

    1- In la xoojiyo awoodda Sirdoonka dalka, lana maalgeliyo si awood loogu yeesho in la sii ogaado qorshaha weerarrada Alshabab.

    2- In la qoro jiil cusub oo nabadsugid ah si loo xoojiyo awoodda hay’adaha ammaanka ka ee hortagga weerarrada, dibna loo howgeliyo saraakiisha aqoon u leh howlaha Sirdoonka.

    3- In howlgalllada ammaanka caasimadda la barbar wado howlgallo degdeg ah oo lagu beegsado dadka la shaqeeya iyo goobaha lagu tuhmo inay Alshabaab xiriir la leeyihiin.

    4- In Weerar kasta oo dhaca raadraac lagu sameeyo oo aanay dhicin in la baabi’iyo raadadka ay reebaan dableyda qaraxyada iyo weerarrada geysata.

    5- In Dowladdu la wareegto ciidamada si fiican u tababarran ee ammaanka oo hadda hoos taga dowlado shisheeye.

    Haddii howlgalka NISA lagu soo koobo jidadka Muqdisho iyo la dirirka hubka wadooyinka lala dhex maro, shaqada ugu adag ee NISA-na laga dhigo la-dagaalanka hogaamiye kooxeedyo iyo mas’uuliyiin hore sida Agaasimaha NISA ku doodayo waxay xaaladu noqon doontaa: CUDUR GALAY FARAS LAGA GUBO RAADIYO DAMEER..!

    Faaladda Wadani

    Alshabaab Alshabab Faallo Hotel Posh NISA Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO CUSUB: Burburkii weynaa iyo wixii ka dhacay Baararka Pizza House & Posch
    Next Article Dowladda Qatar oo Diyaarado Dagaal ka iibsatay Mareykanka, Maraakiib Dagaal oo Mareykanku u diray

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo