Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa baajisay shir jaraa’id oo ay duhurnimadii maanta shaacisay inuu qabanayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad.
Shirkan jaraa’id oo loogu yeeray saxafiyiinta Muqdisho ku sugan ayaa la joojiyay daqiiqado kadib markii la baahiyey inuu ka dhacayo xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda, iyadoo aan la sheegin xilli kale oo la qabanayo, waxaana lagu soo koobay inuu dib u dhacay ilaa amar dambe.
Wararka la helayo ayaa sheegaya inuu madaxweyne Farmaajo soo farageliyey shirka jaraa’id ee wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, iyadoo la filayay in arrimo xasaasi ah uu ka hadlo wasiir Cawad, taasoo keentay in daqiiqadii ugu danbeeyay isbedel ku yimaado Madaxweyne Farmaajo.
Arrimaha la filayey in shirka jaraa’id looga hadlo ayaa waxaa ka mid ahaa go’aano xasaasi ah oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya kuwaasoo ka dhan ah dalalka Kenya iyo Gini-Konakari.
