Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan gaara xalay kula yeeshay madaxweynayaasha maamul Goboleedyada taageersan ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay inuu ahaa kulan hordhac u ah shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020.
Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin arrimaha kulankan la iskula meel dhigay, laakiin wuxuu imaanayaa iyadoo ay Dhuusamareeb ku hor mareen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxda ay isla gorfeeyeen dadaallada loo qaaday hirgelinta doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.
Dhinaca kale waxaa maanta la filayaa inay magaalada Dhuusamareeb gaaraan madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni ilo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.



