Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Maxaa Sababay in la xiro Xafiiskii Fiiso-bixinta Turkiga ee Soomaaliya..? (Mas’uul ay lugaha la gashay)

    Maxaa Sababay in la xiro Xafiiskii Fiiso-bixinta Turkiga ee Soomaaliya..? (Mas’uul ay lugaha la gashay)

    September 1, 2020Updated:September 3, 20202 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mid ka mida adeegayadii ugu muhiimsanaa ee dadka Soomaaliyeed ka heli jireen Safaaradda Turkiga ee Muqdisho joogsaday, kadib markii ay saameyn ku yeelatay xaaladda kala guurka ah xukuumad la’aanta iyo fadeexad ka dhacday xafiiska maamula Fiisooyinka Turkiga ee Muqdisho.

    Waxaa la xiray xafiiskii Fiisooyinka Turkiga bixin jiray ee Muqdisho (M.Z Visa), taasoo ay ugu wacan tahay xaaladda kala guurka ah ee dalku ku jiro, kadib markii uu xafiiska banneeyay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, xilkiina uu la wareegeen Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.

    Baaritaan aanu sameynay ayey Wadani.net ku ogaatay sababaha keenay in la hakiyo bixinta Fiisaha Turkiga ee safaaaradda Turkiga Muqdisho ay ahaayeen arrimo iskaashaday oo ay ugu weyn tahay faragelin ka timid Xafiiska Ku-simaha Ra’iisal wasaaraha, waxayna kala yihiin:

    1. Xafiiska ku-simaha Ra’iisal wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed oo faraha la galay bixinta Fiisaha (Dal-ku-galka Turkiga) ee uu xafiiskaasi bixin jiray, iyadoo ay shaqo ka dhigteen dhallinyaro adeegsaneysa awoodda xafiiska iyo tan Ku-simaha Ra’iisal wasaaraha.
    2. Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ku-simaha Ra’iisal wasaaraha oo isna ka ganacsiga Fiisaha qeybta ugu muhiimsan ku yeeshay, kaasoo doonaya inuu awoodda ugu weyn ku leh xafiiska.
    3. Fiisihii Turkiga oo suuqa ka gaaray qiimo aad u qaaliya, wuxuuna kordhay (85%), taasoo ay ugu wacneyd iyadoo ay dhallinyaro ka tirsan xafiiska ku-simaha Ra’iisal wasaaraha ka dhigteen meel ay ka sameeyaan dhaqaale sharci darro ah oo culays ku noqday shacabkii u baahida u qabay fiisaha Turkiga.

    Waxaa xaaladda uga sii daray markii shaqaale ka mid ahaa xafiiska fiiso bixinta shaqada looga saaray eedeyn musuqmaasuq ay abaabuleen xubno ka tirsanaa xafiiska Fiiso-bixinta Turkiga ee magaalada Hargeysa, taasoo fadeexad ka dhalatay markii la ogaaday sida qorshahaasi loo maleegay.

    Saameynta arrintan keentay ayaa degdeg u soo baxday markii uu gebi ahaan xirmay Xafiiskii Fiiso bixinta ee safaaradda Turkiga ee Muqdisho (M.Z Visa), iyadoo Turkigu ahaa dalka ugu fudud ee u furan Soomaalida dibadda u aada caafimaadka, waxbrashada, ganacsiga iyo dalxiiskaba.

    Waxaa laga cabsi qabaa in go’aanka lagu xiray Fiiso-bixinta Turkiga uu gaaro ilaa sanadka cusub 2021 ama safaaradda Turkiga ee Muqdisho diido inay dib u furto adeegga fiiso-bixinta inta laga dhisayo xukuumad rasmi ah, wuxuuna adeegan muhiimka u ahaa dadweynaha Soomaaliyeed uu eersaday faragelin iyo ku takri-fal mas’uuliyadeed oo ka timid xafiiska sii-haya xilka Ra’iisal wasaaraha.

    M.Z Visa Mahdi Maxamed Guuleed Safiirka Turkey Top Xafiiska Fiisaha Turkiga
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSiciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Madaxweyne Farmaajo ka hor la kulmay wakiilada Beesha Caalamka (Sawirro)
    Next Article XOG: Dagaalkii Siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo & Axmed Madoobe oo sii xoogeystay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo