Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug maanta ka dhaceysa doorashada lix ka mida kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay ilaa xalay socdeen ololeyaal doorasho.
Doorashada Xildhibaannada Galmudug kusoo saarayaan Senatoorada Aqalka Sare ayaa ka duwan doorashooyinkii ka dhacay magaalooyinka Kismaayo, Baydhaba iyo Garowe ee sida fudud u dhacay, kadib markii Baarlamaanka Galmudug uu shalay soo saaray habraac uu ku go’aamiyey in kursi kasta cod qarsoodi ah loo qaado xitaa haddii musharixiinta qaar tanaasulaan.
Xalay oo dhan waxaa magaalada Dhuusamareeb ka socday olole ay wadaan senatoorada uu soo sharxay Madaxweynaha Galmudug oo mid kasta laga doonayo inuu helo ugu yaraan cod aqlabiyad ah oo gaaraya 46 xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka Galmudug.
Labada Senatoor ee caanka ah Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Yuusuf Gaalle Ugaas ayaa la sheegay inay xaalad culus soo food saartay, kadib markii loo xiray kuraasta, laguna qoray musharixiin aan saameyn lahayn, laakiin waxay xaaladu is-bedeshay markii Baarlamaanka Galmudug uu soo jeestay.
Waxa kaloo xaaladaas oo kale wajahaya afarta musharax ee doonayey inay kusoo baxaan doorashada Maanta, waxaana arrintan lagu tilmaamay in Baarlamaanka Galmudug uu doonayo inuu dhaqaale ka heli musharixiinta.
Arrinta xiisaha leh ayaa noqotay inuusan jirin musharax kusoo bixi kara kursiga lagu qoray si kasta oo looga reebay dadkii cuslaa ee la tartami lahaa haddii aanu helin codadka inta badan xildhibaannada Galmudug, isla markaana ay dhici karto in MAYA loogu codeeyo, kadibna kursigaasi dib loogu celiyo Madaxweynaha Galmudug si uu musharixiin kale ugu soo qoro.
Waxaa socday dadaallo lagu doonayey in meesha looga saaro habraaca doorashada Baarlamaanka Galmudug soo saaray si doorashada ula mid noqoto maamul Goboleedyada kale.
