Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Maxaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii Degmada Shangaani..? (Faaqidaad & Sir culus)

    Maxaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii Degmada Shangaani..? (Faaqidaad & Sir culus)

    August 23, 2015Updated:December 26, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maxaa xilka looga qaaday Guddoomiyihii Degmada Shangaani..? (Faaqidaad & Sir culus)

    Horaantii bishii June ee sanadkan 2015 waxaa isku shaandheyn lagu sameeyay qaar ka mida guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir, iyadoo intooda badan la isku bedelay marka laga reebo hal guddoomiye degmo oo xilka waayay, arrintaas oo qeylo dhaan xoog leh ay ka keeneen waxgaradka Banaadiriga.

    Axmed-saciid

    Guddoomiyaha kaliya ee xilka laga qaaday wuxuu noqday Guddoomiyihii degmada Shangaani Saciid C/qaadir Saciid, waxayna taasi dib u dhac ku keentay horumarkii laga gaaray dib u habeyn lagu sameeyay maamulka Gobolka Banaadir oo dadka banaadiriga ah ay heleen laba guddoomiye degmo oo kala ahaa: Xamarweyne iyo Shangaani.

    Haddaba baaritaan ay Shabakadda Wadani.com muddo laba bilood ah ku jirtay ayaa lagu ogaaday sababtii ka dambeysay isku shaandheyntii lagu sameeyay qaar ka mida guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir, isla markaana xilka looga qaaday guddoomiyihii Shangaani Mudane Saciid C/qaadir Saciid.

    Wadani.com waxay ogaatay in isku shaandheyntaasi ay ahayd fulinta heshiis ay wada galeen madaxweynihii maamulka Ximin & Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex) iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo ku saabsanaa shirkii maamul u sameynta Gobolada dhexe ee Cadaado ka socday. Heshiiskaasi waxaa Mudane Baarleex  loogu ogolaaday in  isaga iyo beeshiisa la siiyo xilal dowladeed iyo kharashaad kale si ay u tanaasulaan, kadibna u taageeraan musharxnimada C/kariin Guuleed.

    Xilalkaasi oo ay ku jireen safiiro iyo xilal kale oo dowladeed waxaa ka mid ahaa guddoomiye degmo oo markii Madaxweynaha, Wasiirka arrimaha gudaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isla eegeen xaaladda la isla gartay in mid ka mida labadii guddoomiye ee beelaha Banaadiriga meesha laga saaro, kaasoo noqday guddoomiyihii degmada Shangaani.

    Si qorshahaasi u hirgalo dadkana loogu marin habaabiyo ayaa la sameeyay isku shaandheynta qaar ka mida guddoomiyeyaasha degmooyinka oo qorshahani lagu hoos fuliyay, waxayna tani ka mid tahay arrimaha uu ku eedeysan yahay madaxweynaha mooshinku hadda ka yaallo ee ah inuu xilalkii iyo hantidii qaranka u adeegsaday ololaha shaqsi ay saaxiibo yihiin.

    Natiijadii qorshahani wuxuu noqday in  Axmed Salaad Ibraahin loo magacaabo guddoomiyaha Guddoomiyaha degmada Hodon, xilakana laga qaado Guddoomiyihii degmada Shangaani Saciid Maxamed Saciid.

    ISKU SHAANDHEYNTA LA SAMEEYAY June 9, 2015 WAXAA XILALKII LOOGU KALA BEDELAY:

    • Guddoomiyaha degmada Shibis ayaa Laga dhigay  guddoomiyaha Degmada Kaaraan
    • Guddoomiyihii Degmada Kaaraan waxxaa isna laga dhigay Guddoomiyaha Degmada Shangaani
    • Guddoomiyihii Degamada Waaberi  wuxuu noqday guddoomiyaha degmada Shibis.
    • Guddoomiyihii Degmada Hodon waxaa laga dhigay guddoomiyaha Degmada Waaberi

    [spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”3″]

    GJ-bannerhoose

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-1″]

     

    Gobolka Banadir isku shaandheyn gudoomiyeyaasha degmooyinka Sir culus
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXasan Sheekh oo amray baaritaan lagu sameeyo weerarkii lagu laayay ciidamada dowladda ee Kismaayo
    Next Article Ra’iisal wasaaraha oo xil cusub u magacaabay xoghayihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo