Wararka ka imanaya magalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta xabsiga magaalada Jigjiga laga soo daayey maxaabiis badan oo ay ku jiraan dad hore u ahaa siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan booliiska.
Dadka degaanka waxay sheegayaan in dad badan oo ehelo ah ay maanta tageen xabsiga lagu magacaabo Jail Ogaden si ay u arkaan dad sannado badan xirnaa oo qaraabadooda ah, kuwaasoo laga sii deynayo.
Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa toddobaadkii hore daabacday warbixin ay ku faahfaahinayso tacaddiyo ka dhaca jeelkaasi, iyadoo dalbatay in gebi ahaan al xiro jeelkaasi.