Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maxaabiistii laga keenay dalka Itoobiya oo xalay soo gaaray Muqdisho ay xabsi kale galeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa maxaabiistan geysay Xabsiga Dhexe, iyadoo xaaladooda la eegayo iyo go’aanka ay arrintooda ka qaadaneyso dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka geysatay inay Itoobiya ku wareejiso.
Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wasiiro ka tirsan xukuumadiisa ayaa kulan hadda la leh maxaabiista, kaasoo looga hadlayo waxa ay ku dambeyn doonaan maxaabiistan oo wararku sheegayaan in qaarkood xabsi ku qaadan doonaan magaalada Muqdisho.
Itoobiya ayaa ku wareejisay dowlada Soomaaliya dembiyada loo heystay maxaabiistan iyo xabsiyada ay ku xukunnaayeen, waxayna la hartay ilaa 6 maxbuus oo aan la ogeyn sababaha looga reebay maxaabiista Soomaalida.