Waxaa goor dhoweyd ku guuleystay jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal Cabdi oo ahaa musharax u tartamayay jagadan, waxaana loolanka ugu weyn uu ka soo wajahay C/llaahi Maalin Gaafow (Aasbaro) oo wareegii labaad ay isugu soo hareen.

Labadan musharax ayaa waxaa kala taageersanaa labada kooxood oo ku loolamayay hogaanka maamulka Cusub ee Gobolada dhexe, haddana waxaan idin heynaa taariikh kooban oo ku saabsan guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.
Wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, da’diisuna waa 55 sano jir
Wuxuu wax ku baray caasimadda Soomaaliya, wuxuuna ka baxay Jaamacadii Umadda Soomaaliyeed, Kuliyada Lafoole
Waa ganacsade ku jiray ganacsiga muddo dheer
Wuxuu ka mid noqday Baarlamaankii KMG ahaa isagoo ka soo galay dhinaca Maxkamadihii Islaamiga ahaa
Wuxuu ka mid noqday xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug
Waxaa 27 June 2015 Cali Gacal Casir loo doortay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]